Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka Kubada Cagta oo Shaaca ka qaaday tababaro lagu qabanayo Kismaayo

0
Saturday January 03, 2015 - 13:50:20 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Kubada Cagta oo Shaaca ka qaaday tababaro lagu qabanayo Kismaayo

    Kaddib doorashadii sida dimoqodaadiga ah ku dhacday ee maamulka kubada cagta gobalka Jubbada Hoose iyadoo wax faragelin ah uusan ku sameyn maamulka dowliga ah ee halkaa ka dhisan ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta waxaa uu gobalka Jubbada Hoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaddib doorashadii sida dimoqodaadiga ah ku dhacday ee maamulka kubada cagta gobalka Jubbada Hoose iyadoo wax faragelin ah uusan ku sameyn maamulka dowliga ah ee halkaa ka dhisan ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta waxaa uu gobalka Jubbada Hoose u caleema saaray in uu noqdo meesha ugu horesa ee tababarrada xagga horumarinta ee sanadka 2015 ay ka dhacayaan.

Agaasimaha xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta Shaafici Muxuyadiin (ISLOW) oo war saxaafadeed soo saaray maanta ayaa sheegay in sadex tababar oo kala duwan lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.



"Qaban qaabada tababarro sadex ah oo dhinaca horumarinta ah ayaa iminka socota, waxaana tababaradaas ay kala yihiin kuwo loo qabanayo macalimiinta, maamulka isboortiga iyo tababar la siinayo garsooreyaasha kubada cagta gobalka, sida ku cad qorshe howleedka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa tababaradaas ay dhici doonaan bisha Febraayo ee inasoo aadan”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka uu maanta soo s aaray agaasimaha warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta Shaafici Islow.


"Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta waxaa uu dhamaan dadweynaha gobalka gaar ahaana bahweynta kubada cagta Jubbada Hoose ugu hambalyeynayaa sida ay usoo jiiteen dareenka xiriirka Soomaaliyeed taasoo timid kaddib doorasho si cadaalad ah ku dhacday oo maamulka dowladeed ee halkaa ka jirana uusan wax fara gelin ah ku sameyn, xiriirkuna uu ku amaanmayo maamulka Jubba Land horumarka uu sameeyay.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka maanta kasoo baxay xiriirka Soomaaliyed ee kubada cagta.


Masuulkan xiriirka Soomaaliyeed u hadlay waxaa uu ku booriyay maamulada gobalada dalka in ay wax ka bartaan tusaalooyinka wanaagsan oo uu sameeyay maamul gobaleedka Juba Land oo u ogolaaday masuuliyiinta kubadda cagtu inay is doortaan si xorriyadi ku jirto.


"Masuuliyiinta kubbada cagta gobalada oo dhan waa inay ku yimaadaan doorasho, sababtoo ah xiriirka Soomaaliyeed ma aqbali doono in dowladuhu soo magacaabaan maamulada kubada cagta—sida ku cad Dastuurka FIFA masuuliyiinta kubada cagta waa la doortaa ee kuma yimaadiin magacaabis dowladeed, sidaa daraadeed waxaan ka codsanaynaa madaxda maamulada gobalada dalka in ay ogolaadan in masuuliyiinta kubada cagtu ku yimaadaan doorasho”ayaa mar kale lagu yiri war saxaafadeedka maanta uu soo saaray agaasimaha warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.


War saxaafadeedku waxaa uu amaan iyo bogaadin usoo jeediyay masuuliyiinta gobalka sida ay u fahmeen awooda iyo muhiimada ay kubada cagtu u leedahay is dhex galka bulshada, nabadda iyo horumarka Soomaaliya oo ah dal ay wax yeelo darani kasoo gaartay dagaalo sokeeye oo muddo dheer socday.


Sida ku qeexan istaraatiijiyada horumarinta kubada cagta dalka ee uu hindisay guddoomiyaha aragtida fog ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdiqani Saciid Carab, waxaa xiriirka Soomaaliyeed u qorsheysan in uu gobalada daka ka fuliyo barnaamijyadii ugu badnaa ee dhanka horumarinta ee la sameeyo taariikhda kubada cagta dalka.


Qorshahaas waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka loogu magac daray ‘Baahi Cubada Cagta’ oo ah barnaamij weyn oo loogu tala galay in lagu baahiyo kubada cagta dalka oo dhan si mid kasta oo ka mida dhalinyarada Soomaaliyeed uu fursad ugu helo kubada cagta.


By Omar Mohamud Wardere

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.