Ogaalka bulshada ayaa ah in cayaaraha kubadda Kolayga ee habeen la ciyaaro inay furmeen 25-ka bisha January2015, kadib 24 sano iyadoo daah furkiisa ay door wanaagsan ka qaadatay marwada madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sahro Cumar Xasan, iyo madax kale oo isla dowladda ah.
Sidoo kale marwada madaxweynaha dalka, ayaa madasha furitaanka waxa ay ka sheegtay inay hiil u noqon doonto cayaaraha gaar ahaan kubadda Kolayga, hadalkan ayaa waxaa si weyn ugu riyaaqay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Kolayga.
Ka qeybgalayaasha habeen ciyaaredka haddii aan milicsado waxaa ka mid ahaa Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), oo ah safiirka u fadhiyo Soomaaliya dalka Kenya, waana shaqsiyaadka lagu yaqaano inay aad u jecel yihiin cayaaraha noocyadooda kala duwan, Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa qeyb ka ahaa masuuliyiinta lagu arkay garoonka Wiish, waxana uu xilal kala duwan uu kasoo qabtay dowladdihii kumeel gaarka ahaa, sidoo kale waxuu xilal kasooqaybtay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada kolayga uu xoghaye ka soo noqday, haddana waa mudane ka tirsan Barlamanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga difaaca barlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa isna dhankiisa la dhacay in xilli habeen ah ciyaaraha kubadda Kolayga ka dhacaan magaalada Muqdisho, waxaa hubanti ah madaxda halkaasi u soo daawasho tagay in aan lasoo koobi karin.
Faadumo Cali Nuur (Keento), waxay u soo ciyaartay naadigii Somalitax iyo xulka qaranka, haddii aan si gaar ah u ifiyo Faadumo, waa hooyada dhashay labo ciyaaryahan oo kubadda kolayga ah kuwaas oo u saftay xulka qaranka kubadda Kolayga Soomaaliya, waxana ay isugu jiraan wiil iyo gabar.
"Waxaan codsanayaa in la caawiyo dhalinyarada da’da yar, runtii go’aanka uu xiriirika ku ciyaarsiinayo waa mid wanaagsan, 30-sanno kaddib oo aan Muqdisho ku soo laabtay kana imid Canada, waxaan rumeysanahay inay tahay arrintan midda kaliya ee i farxad galisay.” Faadumo ayaa sidaasi iigu sheegtay gudaha garoonka Wiish.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Kolayga, ayaa sidoo kale kulan is ballansi ah waxa uu u sameeyay xiddigihii hore ee kubadda Kolayga, oo isugu jira kuwa dibada ku nool iyo kuwa gudaha dalka jooga , waxana uu ugu talagalay ciyaartooyda xilligan inay ka qaataan waayo-aragnimo, taas oo wax badan ka saacideyso kulamada ay sameeyaan.
Si guud aan u dulmaro magacweynayaashii kasoo muuqday kulanka saaxiibtinimo kuwaasoo aan ku xusi karo:
Cabullaahi dhooleey, Naadiga Horseed, Cali Jimcaale Jiidhaan Naadiga (waxool), Cabdullahi wardhiigleey (waxool), Cabduqaadir Jaamac dhamme (Dowlada Hoose), Mahdi Cali Biifoot, Cumar Kaaraan (LLpp jeenyo), Cabdi qaliif, Cali rooble, Daa’uud Axmed Maxmed, Cabdi Maxamed Koofuroow ismaan Xaaji Cali, Cabdi Maxamed Koofuroow iyo Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan Idaacada BBC isla markaana ka mid ah xifadleydii hore ee kubadda kolayga.
Qof walba oo jecel kubadda Kolayga, ayaa waxa uu si weyn ula socda tartanka Janaral Da’ud ee ka socda garoonka Wiish, isagoo oo waqti habeen ah soo dawaada cayaaraha uu xiiseynayo deeta waxa uu si nabad ah ugu noqdaa gurigiisa, waana arrin yadadiilo u leh bulshada Soomaaliyeed.
W/Q: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media Department



























Cayaar habeeneedka Muqdisho oo soo jiitay quluubta cayaartoy hore iyo masuuliyiin (WARBIXIN)
Ogaalka bulshada ayaa ah in cayaaraha kubadda Kolayga ee habeen la ciyaaro inay furmeen 25-ka bisha January2015, kadib 24 sano iyadoo daah furkiisa ay door wanaagsan ka qaadatay marwada madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sahro Cumar Xasan, iyo madax