Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Banaadir iyo Heegan oo barbaro ku kalatagay

0
Wednesday March 11, 2015 - 12:46:01 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaadir iyo Heegan oo barbaro ku kalatagay

    Kooxaha kubadda Cagta Heegan iyo Banaadir Sports Club ayaa shalay galab ku kulmay Garoonka Banaadir kulani 43 wareega hore ee horyaalka kubadda cagta Dalka Nationlink Championship 2014-15.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha kubadda Cagta Heegan iyo Banaadir Sports Club ayaa shalay galab ku kulmay Garoonka Banaadir kulani 43 wareega hore ee horyaalka kubadda cagta Dalka Nationlink Championship 2014-15.

Kooxaha kubadda Cagta ee Heegan iyo Banaadir Sports Club ayaa shalay galab ku kulmay Garoonka Banaadir, kulan oo ahaa kii 43aad ee wareega hore ee horyaalka kubadda cagta Dalka Nationlink Championship 2014-15.


kulakan oo ahaa kulan si wayn loo dhowrayay natiijadaiisa ayaa waxaa u soo daawasho tagay dadwayne aad u fara bdan oo ay qayb ka ahaayeen taageerayaasha labada koox oo garoonak ku soo bandhigay calamda iyo astaamaha labada koox iyagoo ku taageerayey halkudhigyayda ay leeyihiin sacab iyo sawaxan.



Labada koox ayaa ciyaar wanaagsan soo bandhigay iyadoo xaga fursadaha ay qaybta hore ku wanaagsanayd kooxda Heegan, qaybta labaad ee ciyaarta marki laysku soo laabtay kooxda Banaadir Soo laba kaclaysay balse waxaa calaamada casaanka ka qaatay Laacibka No.14 Kinene Kafunaya Imam oo difaaca dhexe ka ciyaara kadib marki uu qalad ku galay Kabtanka kooxda Heegan Jabriil Xasan Fariid.


Kooxda Heegan ayaa ka faa'idaysan waysay Fursadda ciyaaryahankaaas naaquska ka noqday kooxda Banaadir SC waxayna ciyaarta ku soo gebagebowday 0-0.


waxaa sidaasi labada koox ugu soo gebageboobay kulamadii wareega hore, kooxda difaacanaysa horyaalka Banaadir ayaa ku dhamaysatay wareega hore kaalinta seddexaad oo ay dhibci wadaag min 16 dhibic ku yihiin kooxda Elman, Kooxda Heegan ayaa dhankeeda u suura gashay in 20 dhibic ay hogaanka horyaalka kula midoobaaan kooxda Jeenyo.


Inta ayciyaarta Socotay waxaa la bixiyay 6 Jaale iyo 1 guduudoo ay 6 ka mid qaateen ciyaatoyda kooxda Banaadir waxaana ka qaatay Maxamed Cali IBraahin No.28,Cabdullahi C/raxmaan Jaamac No.16,gacal Faarax cali No.17 Marcel Odhiamo Oyugi oo dalka Kenya u dhashay No.12 iyo Kenene Mafunaya Imam No,14 oo dalka Yugaandha u dhashay kadib guduud ayuu qaatay.


kooxda Heegan 1 jaale oo kaliya ayay ciyaarta qaateen waxaana ka qaatay ciyaaryahanka qadke dhexe Samsong Eyke Chekwu oo No.14 u u sita una dhashay Dalka NIgeria.


Safka Hore ee Labada koox.


Kooxda Banaadir : waxaan garoonka u soo galay Goolhaye Thomas, Difaac Cabdullahi C/raxmaan Jaamac , Imam, C/naasir Yuusuf Axmed,C.laahi cabdi Xuseen. Qadka DHexe Gacal Faarax Cali ,Mustaf Maxwel, Maxamed Cali Ibraahin ,Qays Cabdulle Macalin. Weerar :Marcel Odhiamo Oyugi iyo Nuur Cabdi Xuseen.


Waxaa bedel ku soo galay Mustaf Faransa iyo Caadi Nuur Cali .

Waxaa macalin u ahaa Cumar Maxamed Naasir ( Caruus)


Kooxda Heegan: GoolhayeMaxamed Subeyruu, Difaac: Cabdikariib Abuukar Nuur Boqori,Qaasim Cali Mursal, Mahad Maxamed Xaaji. Qadka Dhexe: Cabdicasiis Maxamed Ismaaciil, Cusmaan Yuusuf Cusmaan ( Aayarta) Mahad Muxudiin Xaaji,Samsong Eyke Chekwu. Weerar : Jabriil Xasan fariid iyo Maxamed Axmed Maxamed .

Heegan waxaa bedel ku soo galay Ataf Cabdi Nuur Geeseey waxaana Macalin u ahaa Axmed Cabdiraxmaan Cumar ( Gadaamoow)


Ciyaartan waxaa garsoore ka ahaa Xamse Xaaji cabdi Calanhaye 1-aad Mahad Cali Maxamed , Calanhaye 2-aad Axmed C/laahi Faarax Garsooraha 4-aad Siid Cali Axmed Culusow, xeer ilaaliyaha ciyaarta waxuu Ahaa Xasan Sheylilaah Cadde.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department.


 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.