Xiriirka kubadda cagta ee qaarada AFrika (Caf) ayaa Garsoorayaasha heerka Caalami ee kubadda cagta dalkeena u soo magacaabay in ay dhex dhexaadiyaan kulan ka tirsan koobka koobabka qaarada Afrika ( Caf Confedration Cup)
Garsoorayaasha loo soo Magacaabay ciyaartan ayaa kala ah Xasan Maxed Xaaji (Dhexda) , Calahayaha 1-aad Xamze Xaaji Cabdi, Calanhayaha 2-aad Suleymaan Bashiir Shiikh Cabdi Garsooraha 4-aad Bashiir colaad Carab.
Kulan ciyaareedka ay dhex dhexaadin doonaan ayaa ka tirsan wareega 16-ka koobka koobabka qaaradda Africa ( CAf Confedration Cup) waxuu u dhaxeeya kooxaha Werri Wolves FC ee dalka Nigeria iyo Debit SC ee dalka Ethiopia.
Ciyaarta ayaa la ciyaari doona Maalinta Sabtida 4:00 galabnimo waxayna ka dhici doontaa Wolves Stadium Magaalada Lagos ee dalka Nigeria.

Afarta garsoore oo maanta ka dhoofay garoonka Aaden Cadde ayaa bishii hore Febraayao ciyaaro dalka dibadiisa ka soo qabtay waana safarki labaad oo ay laba bil gudahood oo xiriir ah ay ciyaaro ka tirsan tartamda afrika soo dhex dhexaadinayaan.
Garsoore Xasan Maxamed Xaaji iyo Sulayman Bashiir Shiikh Cabdi ayaa soo garsooray ciyaar ka tirsan koobka horyaalada qaarada afrika (Caf Champions League) oo ka dhacday dalka Tanzania.

Xamze Xaaji Cabdi ayaa isna ka mid ahaa garsoorashii wax ka soo dhex dhex dhexaadiyay ciyaarihi 17-jirada qaarda afrika ee ka dhacay dalka Niger iyo garsoore Bashiir Colaad Carab oo isna dalka Angola ciyaar katirsan Caf COnfedration Cup ka soo qabtay.

Garsoorayaasha Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa amaan iyo dhibco wanaagsan ka soo mutaysta ciyaaraha ay soo dhex dhexadiyaan oo ka dhaca qaarada afrika taasoo keenta in ay bataan ciyaaraha lagu aaminayo garsoorayaasha Soomaaliyeed waana arin sare u qaadaysa sumcadda isboortiag Soomaaliyeed .
W/Q: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media Department
Garsoorayaal Soomaaliyeed oo loo magaacabay in ay dhex dhexaadiyaan Ciyaaro caalami ah.
Xiriirka kubadda cagta ee qaarada AFrika (Caf) ayaa Garsoorayaasha heerka Caalami ee kubadda cagta dalkeena u soo magacaabay in ay dhex dhexaadiyaan kulan ka tirsan koobka koobabka qaarada Afrika ( Caf Confedration Cup)