Kooxaha kubadda kolayga I.L.S iyo Plasma ayaa ku kulmay garoonka Wiish ( Ex Luujino) kulan katirsanaa wareega labaad ee koobka kubada kolayga Jenearaal Daa'uud.
Plasma oo laba guuldaro lasoo kulantay ayaa qaabishay I.L.S oo labadii kualn soo adkaatay waxaana ciyaarta qaybteeda hore kooxuhu u muuqdeen mid aanan hogaanka kooxna la fogaan karin waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 21-19 oo ay hogaanka ku hayso kooxda I.L.S.
Marki laysku soo laabtay kooxda I.L.S ayaa dheeraysatay hogaanka taasoo keentay in ay xaalada ku adkaato kooxda Plasma waxayna ciyaarta ku idlaatay 60-50 oo ay guusha ku raacday kooxda I.L.S

Wareegan ayaa waxaa ka qayb qaadanayaan 6 koox waxaa ku guulaysanaya kooxda ugu dhibco badisa lixda koox, waxaana loolankna ugu adag uu u dhaxeeya kooxaha Heegan 2 jeer guul soo gaaratay kulankeeda 3-aadna Caawa la ciyaari doonta Horseed, Dekedda 3 kulan soo adkaatay iyo i,l.s oo guushan ay u ahayd guushii 3-aad ee tartanka.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media Department
I.L.S oo guul ka gaaray Plasma kulan ka tirsan koobka Jenaraal Daa'uud
Kooxaha kubadda kolayga I.L.S iyo Plasma ayaa ku kulmay garoonka Wiish ( Ex Luujino) kulan katirsanaa wareega labaad ee koobka kubada kolayga Jenearaal Daa'uud.