Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Kooxda I.L.S oo talaab u jirsatay koobka JD kadib guul ay xalay ka gaartay Dekedda+Sawirro

0
Thursday March 19, 2015 - 13:53:29 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 1497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda I.L.S oo talaab u jirsatay koobka JD kadib guul ay xalay ka gaartay Dekedda+Sawirro

    Kooxda kubadda kolayga ee I.L.S ayaa ka adkaaday kooxda Dekedda kulan ka tirsan koobka kubada kolayga Jenaraal Daa'uud oo ka dhacay garoonka Wiish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda kolayga ee I.L.S ayaa ka adkaaday kooxda Dekedda kulan ka tirsan koobka kubada kolayga Jenaraal Daa'uud oo ka dhacay garoonka Wiish.
 
kulankan  uu labada koox u ahaa kulankii afaraad ee wareega hore ayay labada koox soo bandhigeen ciyaar xirfaddeedu aad u sareyso waxaana u soo daawasho tagay dadwayne badan oo jecel ciyaaraha kubadda kolayga oo ay qayb ka ahaayeen masuuiliyiin waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 28-20 oo ay I.L.S ku hogaaminayso.
Marki  laysku soo laabtay  kooxda Dekedda ayaa  aad ugu soo dhawaatay in ay soo barbarayso, balse daqiiqadihi ugu dambeeyay ciyaarta  ayay kooxda I.L.S dheeraysatay hogaanka waxayna ciyaarta ku soo gebagebowday 55-43  oo ay guusha  ku racaday kooxda I.L.S.

Cabdirisaaq Cabdisalaan oo kooxda I.L.S u qaata  No.9 ayaa noqday dhaliyihii ugu fiicnaa kulankan wuxuuna dhaliyay 6 jeesto iyo Personal  oo u dhiganta 13 dhibcood, isaga ayaana loo aqoonsaday laacibka ciyaarta.

Dhanka kale waxaa xalay garoonka Wiish ka dhacay tartanka tuurashada dheer (Three Points), waxaana ku loolamay cayaaryahanada kala ah  Mandella oo u cayaara Dekedda, Yaxye  oo I.L.S ah, Maxamed Talyaani oo Horseed u safta iyo Warsame oo asaguna u cayaarah kooxda Plasma, waxaana kaalinta koowaad ku soo baxay Maxamed Talyaani oo saxay 10 tuurasho waxuuna semi finlka tartanka tuurashada la ciyaari doonaa Cabdfitaax Buukaale.
 

 W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.