Kooxda Kubadda cagta Heegan ayaa 2-0 kaga adkaatay kooxda Jeenyo kulan ka tirsan horyaalka kubadda cagta dalka( Nationlink Championship 2014-15).

kulankan oo ahaa kulanki 2-aad wareega labaad ee horyaalka ayaa ka dhacay garoonka Banaadir waxaana u soo daawasho tagay Mas'uuliyiin uu ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda dhalinyarda iyo isboortiga Cusmaan Aadan Dhuuboow, guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Cabdullahi Axmed Tarabi, Ciyaartoydii hore Coonka, Killer iyo dadwayne badan oo ciyaartan uga soo daawasho tagay gobolka Banaadir, shabeelada Hoose iyo Shabeelada dhexe.

Labada koox ayaa garoonka soo galay iyagoo isku dhibco ah mid walibana lahayd min 20 dhibcood waxayna koox waliba dagaal ugu jirtay sidii hogaanka kali ugu noqon lahayd, Heegan ayaa garoonka la timid weeraryahan cusub oo u dhashay dalka Kenya oo lagu magacaabo Justus Anene, kaasoo wax wayn ka badalay hanaankii weerarka kooxda Heegan, isaga ayaana daqiiqadi 40-aad ee qaybta hore hoganaka u dhiibay kooxda Heegan ka dib markii uu baas wacan uu ka helay kabtanka Heegan Jabriil Xasan fariid si wanaagsan shabaqa ugu hubsaday.
Markii laysku soo laabtay Kooxda Jeenyo ayaa abuurtay fursado ay ku barbarayn kartay balse midna uma suura gelin waxaana daqiiqadi 70aad goolka labaad u dhaliyay kooxda Heegan Jabriil Xasan Fariid, waxaa goolka ku caawiyay Dhaliyaha goolkii Koowaad Justus Anene.

Ciyaarta inta ay socotay waxuu garsoore Xamze oo ciyaarta dhex dhexaadinayay uu bixiyay afar jaale waxaana wada qaatay kooxda Heegan.
Jabriil Xasan Fariid ayaa kulankan dhalinyay goolkiisi 10-aad ayadoo uu kulankana ahaa kiisii 10-aad ee horyaalka taasoo ka dhigan in uu kulan kasta gool dhaliyay,
Weeraryahanka Reer Kenya Justus Anene ayaa dhaliyay goolkiisii 1-aad ee kulankiisi koobaaad ee uu ka ciyaaro horyaalka kubada cagta Soomaaliya.
Heegan ayaa guushan noqonaysa guushii labaad oo xiriir ah oo ay ka gaarto kooxda Jeenyo 2014-15. waxayna kali ku noqotay hogaanka horyaalka oo ay ku hogaaminayso 23 dhibic.
kulankan waxaa garsoore ka ahaa Zamze Xaaji Cabdi, Calanhaye 1-aad Axmed Cabdullahi Faarax (Barodo), Calanhayaha 2-aad Maxamed Nuur muxyadiin (Maxaed Soomaali) halka garsooraha 4-aad uu ahaa Siid Cali Axmed Culusoow Xeer Ilaaliyahuna Xasan Sheylilaah Cadde.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafoow
Nocsom Media Department
Kooxda Heegan oo la wareegtay hogaanka Horyaalka Kadib guul ay ka gaartay Jeenyo+Sawirro
Kooxda Kubadda cagta Heegan ayaa 2-0 kaga adkaatay kooxda Jeenyo kulan ka tirsan horyaalka kubadda cagta dalka( Nationlink Championship 2014-15).