Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Koobka Jeranaal Daa'uud ee gabdhaha oo Muqdisho ka furmay+Sawiro

0
Sunday March 22, 2015 - 19:13:27 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 1312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koobka Jeranaal Daa'uud ee gabdhaha oo Muqdisho ka furmay+Sawiro

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada kolayga ayaa shalay garoonka Wiish ka daah furay koobka kubadda kolayga Jeneraal Daa'uud 2015 ee dhanka gabdhaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada kolayga ayaa shalay garoonka Wiish ka daah furay koobka kubadda kolayga Jeneraal Daa'uud 2015 ee dhanka gabdhaha.



Munaasabadda furitaanka oo ka dhcayda garoonka Wiish ( Ex Luujino ) waxaa ka soo qayb gaay Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Cusmaan Aadan Dhuuboow, masuuliyiin ka soctay GOS, madaxda xiriirka kubada kolayga iyo qaarka ka mid ah ciyaartoydii hore iyo dadwanye bdan oo jecel ciyaarta kubada kolayga.

Ugu horeyn Kaaliyaha xogahayaha XSKK Cabdulle Cabdulle Axmed ayaa warbixiyay tartanka waxuuna sheegay in ay ka qayb galayaan laba koox oo kala ah Horseed iyo Heegan oo seddex kulan ciyaari doona kooxdi laba kulan adkatana ay tartanka ku guulaysan doonto.



Guddoomiye XSKK Cabadullahi Nuur Maxamed Cadaani oo ka haldlay munaasabadda furitaanka kobka Jeranaal Daa’uud ayaa sheegay koobkan oo ka mid ah qorsha sanadkeeda xiriirka kubada kolayga ee sanadkiiba qabta koobka horyaalka, koobka Jenaraal Daa’uud iyo koobabka munaasabadaha dalka leeyahay.


Guddoomiye Cadaani ayaa sheegay inay jiraan naadiya kale basle hada aysan diyaar u ahayn gabdho sida awgeedna u xiriirka u qabtay labada koox ee diyaarka ah iyadoo kuwa kalena xiriirka rajaynayo in sanadaha soo socda la soo diyaar garoobaan kooxo gabdho ah.


Cadaani ayaa dhanka kale sheegay in kooxda ku guulaysta koobka Jenaraal Daa’uud ee wiilasha oo heer gebageba ah maraya iyo kan gabdhaha bilowga ahba uu xiriirku xaflad heer sare ah oo xirirku ku abaal marin doono.


Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay oo tartanka furay wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga Cusmaan Aadan Dhuuboow, waxuuna sheegay in wasaaraddu ay door muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta isboortiga dalka, waxuuna intaa ku daray in isboortiga horumarkiisa u ka soo bilowdo heerarka hoose ee iskuulada, degmooyinka iyo gobolada wasaaraduna ay u dhaqaaqi doonto waxuuna mahad celin gaar ah u soo jeediyay masuulyiinta xiriirka kubada kolayga oo ayagu xili adag ku soo shaqeeyay.


Ugu dambayn kulankii ugu horeeyay labada koox ee Horseed iyo Heegan ayay labada koox soo bandhigeen ciyaar wanaagsan waxaa waqtigii loogu talo galay ciyaarta ay ku idlaatay 46-40 ay guushu ku raacday kooxda Horseed.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.