Kooxda kubadda cagta Gaadiidka ayaa 2-1 kaga adkaatay kooxda Banaadir Sports Club kulan ka tirsanaa horyaalka kubada cagta dalka. (Nationlink Championship 2014-15).
Kooxda gaadiidka ayaa labada gool uoo ay guushu ku raacday uga mahadcelinaysa Ciyaarayahanada Cabdullaahi Aadan Xorow oo goolka koowaad dhaliyay qaybtii hore iyo Cabdullahi Axmed Maxamed oo asaguna goolkii labaad u saxiixay qaybtii labaad ee kulankan isla markaana uu goolkan u ahaa goolki 4-aad oo uu horyaalka ka dhaliyo, goolka kooxda Banaadir waxaa u saxiixay Qays Cabdulle.
Kooxda Banaadir ayaa qaybtii labaad ee cayaarta laga saaray saddex cayaartoy kuwaasoo kala ahaa Mustaf Maxwel, Qays Cabdulle iyo Mustaf Faransa, halka kooxda Gaadiidka calaamadda casaanka loo taagay isla markaana cayaarta laga saaray ciyaaryahan Odile Cherald.

Guuldaradan soo gaartay kooxda Banaadir ayaa hoos u dhigaysa rajada ay ka leedahay in ay difaacato horyaalka, waxayna hadda fadhidaa kaalinta afaraad kala horaynta horyaalka oo16 dhibic ka haysato.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media Department
Kooxda Gaadiika oo garaacday Banaadir SC kulanki ugu guduudka Badnaa horyaalka+Sawirro
Kooxda kubadda cagta Gaadiidka ayaa 2-1 kaga adkaatay kooxda Banaadir Sports Club kulan ka tirsanaa horyaalka kubada cagta dalka. (Nationlink Championship 2014-15).