Gabdhaha kooxaha kubadda kolayga Horseed iyo Heegan ayaa galabta ku kulmay kulankii sedexeed ee koobka kubadda kolayga Jen.Daa'uud ayagoo isla markaana ku koolamayey koobka Maaliinta Qaaxada Aduunka.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa u soo daawasho tagay Wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga Cusmaan Aadan Dhuuboow, masuuliyiin ka socotay GOS, guddoomiyaha Degmada Cabdi Casiis iyo dadwanye badan oo soo buux dhaafshay garoonka Wiish.
Labada koox Horseed iyo Heegan oo ah labada koox oo koobkan ku dagaalamay ayaa horay u kulmay 2 kulan waxaana labadaas kulan guul gaartay kooxda Horseed, waxayna sidaa ku xaqiijisay ku guulaysiga koobka Jen.Daa’uud, kulankan ayaa ahaa kulanki 3-aad, waxaana labada koox dheeri u ahaa oo ay ku dagalamayeen ku guulaysiga koobka Munaasabada Maalinta Qaaxada Caalamiga (World TB Day ) oo ay soo qaban qaabisay ( National Tb Program)
Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan waxaana ciyaarta ku soo gebagebowday 37-29 oo ay guusha ku raacday Gabdhaha Horseed, dhanka kale waxaa garoonak Wiish ka dhacay tartanka Three Pointiga oo oo ay ku loolameen 4 ciyaaryahan oo labada koox ah waxaana ku guulaystay Biyaano Yuusuf Ciise oo kooxda Heegan u ciyaaraysay.

Gebagebadii waxaa halkaas ka hadlay Kaaliyaha Xogahayaha XSKK Cabdi Cabdulle Baasaale waxuuna sheegay in ujeedka uu xiriirka u qabtay koobkan ay tahay in uu dib loo soo nooleeyo gabdha kubadda kolayga sanadana ay ka qayb galeen laba koox oo kaliya basle ay rajeynayaan sanadka dambe in kooxu ay kabadan doonaan , waxuuna u mahad celiyay labada koox oo soo bandhigay ciyaar asluub ku salaysan.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda dhalinyarda iyo isboortiga Cusmaan Aaadan Dhuuboow oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in tartankan furitaankiisa iyo xeritaankisaba uu xaadir ahaa uuna ku qancay ciyaaraha wanaagsan ay soo bandhigeen gabdhaha da’da yar ee labada koox u cayaarayay wasaaraduna aysan ciyaaraha u soo daawasho tagi doonnin basle ay kaalin mugleh ka qaadan doontoi horumarinta kubadda kolayga .
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media Department
Email: hadaafoow7@gmail.com
Gabdhaha Horseed oo 3 ulan oo xiriir ah garaacaay Heegan iskuna darsaday............
Gabdhaha kooxaha kubadda kolayga Horseed iyo Heegan ayaa galabta ku kulmay kulankii sedexeed ee koobka kubadda kolayga Jen.Daa'uud ayagoo isla markaana ku koolamayey koobka Maaliinta Qaaxada Aduunka.