Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Dekedda oo guul muhiim ah ka gaartay Elman+Sawirro

0
Saturday March 28, 2015 - 12:50:10 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dekedda oo guul muhiim ah ka gaartay Elman+Sawirro

    Kooxda kubadda cagta ee Dekedda ayaa 2-0 kaga adkaatay kooxda Elman kulan ka tirsanaa horyaalka kubadda cagta dalka (Nationlink Championship 2014-15).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta ee Dekedda ayaa 2-0 kaga adkaatay kooxda Elman kulan ka tirsanaa horyaalka kubadda cagta dalka (Nationlink Championship 2014-15).
 
kulankan oo ahaa kulanki 52-aad ee horyaalka, ayuu labada koox u ahaa kulanki 11-aad waxaana qaybta hore lagu kalanstay 0-0 inkastoo fursado ay labada kooxoodba kala heleen ay goolal ku heli kareen.
 
Naadiga Dekedda oo u muuqday mid ka dadaal badnaa kuwa cayaartoyda Elman ayaa labada gool helay qeybta labaad ee ciyaarta waxaana goolka hore u dhaliyay kabtanka kooxda Bashiir Aadan Iimaan oo No.16 u qaata, halka uu goolka labaadna raacsaday Cabdullahi Cali Bile oo No.4 u sita kooxda Dekedda.
 
Naadiga Dekedda ayaa waji gabax ku riday dhigeeda Elman oo rajo ka lahaa in kaalinta labaad soo gasho kulankan si ay ugu dagaalanto ku guulaysiga Horyaalka, waxayna Elman sii fadhin doontaa booskeeda 3-aad ee kala horyaalka 19 dhibic ayayna leedahay , ayadoo ay guushanina Naadiga Dekedda keentay kaalinta 4-aad, 16 dhibic kula midobaysaa kooxda Banaadir SC.
 

Dekedda ayaa kulanka xiga 05-04-2015 la ciyaari doonta kooxda Horseed, halka ay kooxda Elman 08.04.2015 kahor tagi doonta kooxda Saxafi.

 

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.