Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa kulan qado sharaf ah manta ku casuumay Bahda isboortiga dalka, oo isugu jiraty masuuliyiinta wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxa xiriirada, Xildhibaano iyo waliba qaar ka mid ah masuuliyiintii, macalimiintii, ciyaartoyiy iyo Garsoorayaashii hore ee dalka.
Kulankan qiimaha badan uGu fadhiyey bahwaynta sport ga dalka oo uu xiriirinayey xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax ayaa waxaa isbarasho, xusuus waayihii hore iyo kaftan kadib ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Cabdullahi Axmed Tarabi waxuuna aad uga sheekeeyey in GOS iyo xiriirada xubnaha ka ahiba ay horumarinta sport ga dalka ka soo shaqaynayeen xiliyo aad u adag oo dalka uusan dowlad laheyn, si ay u abuuran is dhex gal bulsho, uga hortagaan in dhalinta Soomaaliyeed waqtigooda u isticmaalaan waxyaabo qaldan isla markaana ay u xaqiijiyaan in dalkeenu uusan ka maqnaan tartamada caalamiga ah, si calanka Soomaaliya had iyo goor uga muuqdo dhacdooyinka Isboortiga Caalamka".
"Waxaa haddda la joogaa xiligii ay dawladda Soomaaliyeed qaadan lahayd kaalinta uga aadan sare u qaadida sport ga dalka isla markaana uga taageeri lahayd hay'adahan ku mashquulsan hawlahaasi sidii ay u gaari lahaayeen hadafkooda, waxaanan si sharaf iyo xushmad ku jirto kaaga codsanaynaa in aad codkayaga gaarsiiso dawladda Soomaaliyeed aadna si hagar la'aan ah uga qayb qaadataan horumarka isboortiga dalka maadaama aan ka baxnay xiligii kumeel gaarka" ayuu yiri guddoomiye Tarabi oo sidoo kale uga mahadceliyey guddoomiyaha Baarlamaanka qado sharaftan uu u sameeyey si uu u ogaado heerka sport ga dalka iyo xogta dhabta ee hawlmaalmeedkooda.
Guddoomiyaha GOS Cabdullaahi Axmed Tarabi oo ku hadlayey magaca bahwaynta sport ga dalka ayaa hordhigay guddoomiyaha baarlamaanka waxyaabaha tiirarka u ah horumarinta sport ga dalka oo ay ka sugayaan in dawladdu samayso kuwaasoo uu ka xusay aqoonsiga GOS iyo Xiriirada dalka gaar ahaan in lagu muujiyo dastuurka dalka, maalgelinta Gos iyo Xiriirada, dib u soo celinta iyo dayactirka garoomadii cayaaraha dalka, abuurista dugsiyo tababareed (Academies), fududaynta safarada kooxaha iyo xulalka qaranka, ka qaybqaadashada abaabulidda tartamadii, Gobolada, Dugsiyada iyo Jamaacadaha kuwaasoo kalin muhiim ah ka qaadan doona dib u soo celinta nabadgelyada dalka.
Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdullaahii Xasan Nuux oo ka hadlay qadadan ayaa ugu horayn mahad celin u soo jeediyay Guddoomiyaha GOS Cabdullaahi Tarabi oo fikradan kulankan lahaa iyo Afhayeenka Baarlamaanka mudane Jawaari oo ka aqbalay in uu la kulmo bahdan, wuxuuna wasiirku dhanka kale tilmaamay in dhalinyaradu yihiin tiirka nabadda wasaaraduna ay xooga saari doonto horumarinta cayaaraha dalka,, asagoo hoosta ka xariiqay in ay soo dhawaynayaan in dhamaan dadka ku hawlan hawlahan ay aragtidooda iyo fikirkooda is dhaafsadaan isma markaana ay meelmariyaan ayagoo midaysan.
Guddoomiyaha guddiga adeega bulshada ee baarlamaanka Dr Cusmaan Aaden Dufle oo ka hadlay qadada ayaa halkaasi ka caddeeyey in burburkii dalka oo idil uu dalka ku sugnaa isla markaana marqaati ka yahay duruufihii adkaa iyo goobtii ay qaar badan oo dadkan ka mid ah iyo kuwa dhintayba ka soo qaadeen sport ga dalka uuna guddoomiyaha hortiisa ka balanqaadayo in guddigiisu GOS iyo xiriiradaba la yeelan doono wada shaqayn buuxda.
Guddoomiyihii hore ee GOS C/Qaadir G Abkow oo asaguna ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankan ayaa tilmaamay in uGu horeyn loo baahan yahay in dastuurka dalka lagu xuso doorka GOS iyo in cayaaraha iyo horumarintoodaba lagu daro miisaaniyadda dawladda taasoo ah sida kaliya ee sare loogu qaadi karo heerka cayaartoyda iyo cayaaraha dalka.
Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka mudane Maxamed Shiikh Cusmaan J awaari, waxuuna sheegay in isboortigu uu ka mid yahay amaba yahay laf dhabarka arimaha bulshada barlamaankuna uu door muhiim ah ka qaadanayo sidii loo horumarin lahaa
"Waxaad haysataan wasiir dhalinyaro ah isla markaana xildhibaan ah diyaarna u ah in uu isboortiga horumariyo, waxaan aqoon wanaagsan u leeyahay isboortiga iyo kaalinta uu ka qaadan karo nabadaynta dalka waxaan idiin xaqiijinayaa in albaabka barlamanaka uu idiin furan yahay isla markaana ay qayb libaax ka qaadan doono hawlaha baaxadda leh ee aad haysaan" ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka dalka mudane Maxamed Sh Cusmaan Jawaari
Waa marki labaad muddo bil gudahaeed oo uu GOS soo qaban qaabiyo kulan looga tashanayo horumarka iyo sare u qaadidda cayaaraha dalka kaasoo ay ka qaybqaadanayaan mas'uuliyiinta cayaaraha dalka, bahdii hore ee cayaaraha iyo madaxda dawladda Soomaaliyeed taasoo muujinaysa dadaalka GOS ugu jirto in isboortiga dalka ku soo laabto heerki uu caalamka uga jiray berisamaadkii.
Hussein Hadafow
NOCSOM Media Department
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay bahda Sport ga dalka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa kulan qado sharaf ah manta ku casuumay Bahda isboortiga dalka, oo isugu jiraty masuuliyiinta wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxa xiri