Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Fulinta ee GOS oo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho +sawiro

0
Saturday April 04, 2015 - 15:16:13 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Fulinta ee GOS oo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho +sawiro

    Shirkii saddex biloodlaha ahaa ee guddiga Fulinta ayna ka soo qayb galeen xubnaha guddiga fullinta ee Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo guddoomiye Sharafeedaka GOS Cabduqaadir Gacal Abkoow ayaa lagu qabtay Hotel Shamo ee magaalada Mogadishu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii saddex biloodlaha ahaa ee guddiga Fulinta ayna ka soo qayb galeen xubnaha guddiga fullinta ee Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo guddoomiye Sharafeedaka GOS Cabduqaadir Gacal Abkoow ayaa lagu qabtay Hotel Shamo ee magaalada Mogadishu.
 
 
 
Shirkan oo uu guddoominayey guddoomiyaha GOS C/Laahi Axmed Tarabi ayaa ugu horeyntii waxaa guddiga u soo jeediyey warbixin ka hadlaysa waxqabadkii GOS ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay Xogahaya GOS Duraan Axmed Faarax asagoo qeexay hawlihii lagu guulaystay, caqabadihii ka horyimid iyo waliba hawlaha foodda ku soo haya intaba.

 

Warbixintaasi ka dib ayaa waxaa xubnaha guddigu ay guda galeen ka doodista ajandaha shirka, oo qodobadiisa  ay ka mid ahaayeen u diyaar garowga Maalinta Ciyaartoyda Soomaaliyeed  (Athletes Day) oo guddigu ay horay isugu raaceen in 6-da April loo dabaaldego, soo jeedin guddoomiye Tarabi uu soo jeediyey in la kordhiyo miisaaniyada dhaqaale ee sanadkiiba GOS siiso xiriirada si xiriirada ay u horumaraan iyo u diyaargarowga cayaaraha All African Games oo bisha  September ee sanadkan ka dhici doona dalka Congo.

 

Xubanha guddiga Fulinta ayaa isku raacay dhamaan waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee shirka, waxay dhanka kale isku raaceen qaabka xubno cusub ugu soo biiri karaan guddiga Fulinta iyo waxa laga yeelayo haddii masuul guddiga fulinta ku soo galay xiriir uu madax ka ahaa uu waayo xilka xiriirka uu madaxda ka ahaa.

 

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi oo la hadlay xubanaha guddiga fulinta ayaa sheegay in sanadkan  ay qaateen talaabooyin muhiim ah, "Waxaan kulminay bahdii hore ee isboortiga si aan talo horumarineed ula wadaagno, Waxaan kulamdo la qaadanay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga  Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux iyo Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan jawaari si ay dowlddu u qaadato doorka ay ku leedahay horumarinta isboortiga Dalkaā€¯ Ayuu guddoomiye Tarabi u sheegay Xubanaha Guddiga Fulinta waxuuna kula dardaarmay  in ay  u istaagaan howlaha adag ee horyaalka  GOS.

 

Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale guddi u saaray  Munaasabadda Maalinta loo asteeyay CIyaartoyda Soomaaliyeed  Somali Athletes Day.



 

 

 

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta GOS

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.