Kooxaha kubada kolayga I.L.S iyo Heegan ayaa ku kulmay Garoonka Wiish kulankii ugu dambeeyay koobka kubada kolayga Jen.Daa'uud, waxaana ciyaartan u soo daawasho tagay Masuuliyiin ka socotay wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga, GOS, Xiriirada, Cayraartoy hore iyo taageerayaasha labada koox oo si wayn u soo camiray garoonka.
Kulankan oo dhanka kale lagu lagu maamuusayay Alle ha unaxariistee Masuuliyiintii isboorti oo maanta oo kale -ta April 2012 ku geeriyooday qaraxii ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada, Guddoomiyihii GOS Aadan Xaaji Yabarow Wiish, iyo guddoomiyihii XSKC Saciid Maxamed Nuur Mugaambe dhamaan dadwaynihii ku sugnaa garoonka ayaa u istaagay faataxana u aqriyay dhamaan bahdii sibrotiga ee geeriyootay,
Ciyaarta labada koox oo si gaar ah xiiso u lahayd maadaama Heegan ay ahayd kooxda Difaacanaysay halka I.L.S oo ahayd kooxdii koobkan laga qaday 11-oktoobar 2013, ayay labada koox soo bandhigeen ciyaar ay ka maqsuudeen dhamaan dadwaynihii u soo daawasho tagay, waxaana kooxda I.L.S oo inta badan ciyaarta ku gacan sareysay u suura gashay in ay Heegan kaga adkaato 59-45 dhibcood.
Gebagabadii waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha XSKC Cabdullahi Nuur Maxamed Cadaani waxuuna mahad celin u soo jeediyay dhamaan kooxihii ka qayb galay tartanka , gaar ahaan kooxda I.L.S oo koobka hanatay, waxuuna intaa ku daray in xiriirka uu 20-ka bishan qaban doono xaflad gaar ah oo lagu bixin doono abaalmarin qaybaha kala gedisan ee tartanka, balse I.L.S ay guddoomi doonto koobka lagu maamuusayay Marxuumiintii geeritootay.
Guddoomiyaha GOS, Cabdullaahi Axmed Tarabi ayaa isna sheegay in labada koox ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan, waxuuna u soo jeediyay mahad celin , Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale tilmaamay in maanta ay ku beegnayd maalin madow oo soo martay isboortiga soomaliyeed wuxuuna alle uga baryay dhamaan masuuliyiintii geeriyootay in jannadi fardawsa ahayd alle ka waraabiyo.
Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux, oo soo xiray tartanka ayaa sheegay in tartanka uu si wanaagsan ku soo gebageboobay wasaaraduna ay farxad u tahay in ay kasoo qayb gasho ciyaartan quruxda badan, waxuuna u hambalyeeyay labada koox oo soo bandhigay ciyaar asluub leh, wasiirka ayaa kooxda I.L.S guddoonsiiyay Koobka Wiish 2015, iyadoo xaflad ku guddoomi doonta Koobka jen.Daa’uud oo soo bilowday 29 Janaayo 2015 kaasoo ay ka qayb galeen 10 kooxood, gabagabadiina ay ku guulaystay kooxda I.L.S.
Dhanka waxaa galabta lasoo gebagabeeyay tartana Three Point-ga oo ay ku tartameen Cabdifitaax Maxamed Buukaale iyo Maxamed Abuukar Baroow (Talyaani), waxaana 9-8 ku adkaaday cayaaryahan Buukaale.
W/D: Xuseen Maxamed hadaafow
Xafiiska wararka ee GOS
Kooxda I.L.S oo si xarago leh ugu guulaysatay koobka Jen.Daa'uud
Kooxaha kubada kolayga I.L.S iyo Heegan ayaa ku kulmay Garoonka Wiish kulankii ugu dambeeyay koobka kubada kolayga Jen.Daa'uud, waxaana ciyaartan u soo daawasho tagay Masuuliyiin ka socotay wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga, GOS, Xiriirada,