Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

ELman iyo Banaadir SC oo barbaro isla dhaafi waayay

0
Tuesday April 14, 2015 - 19:20:30 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ELman iyo Banaadir SC oo barbaro isla dhaafi waayay

    Kooxaha kubada cagta ELman iyo Banaadir SC ayaa ku kulmay garoonka Banaadir kulan ka tirsan wareega labaad ee horyaalka kubada cagta dalka nationlink Championship 2014-15.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha kubada cagta ELman iyo Banaadir SC ayaa ku kulmay garoonka Banaadir kulan ka tirsan wareega labaad ee horyaalka kubada cagta dalka nationlink Championship 2014-15.

kulankan oo ahaa kulanki 65-aad horyaalka ayuu labada koox u ahaa kulanki 13-aad waxaana daawashadiisa ka soo qayb galay dadwayne badan oo labada koox u kala sacabo tumayay.

Kooxda Elman  oo marti loo ahaa ayaa bilowga hore ee ciyaarta heshay fursado goolal loo filan karay basle aysan haleelin shabaqa Banaadir, Kooxda Banaadir oo baryahanba dhibaato ku qabtay dhaawacyo ka soo gaaray ciyaartoydooda ayaa qaybta hore ee ciyaarta lumisay  Ciyaaryahan Marcel Samson dhaawac dhanka gacanta soo gaaray garoonkana laga saaray  waxana qaybta hore lagu kala nastay 0-0

Marki laysku soo laabtay  qaybta labaad labada koox ayaa ku hungoobay in ay shabaqa soo taabtaan waxayna ciyaarta ku idlaatay barbaro 0-0

Waa kulankii labaad labada koox ee horyaalka ay isga hor yimaadaan waxayna laba jer isla dhaafi waayeen barbaro.

barbarahan ayaa labada koox dhibaato ku ah waxayna sida wadajir ah u leyihiin min 23 dhibic, waxaana fursad halkaas ka ka helaya Dekedda oo 22 dhibic leh iyo Jeenyo oo 23 dhibic,

Sidoo Kale barbarahan waxaa faaa’iido wayn ku qabta kooxda Heegan oo horyaalka ku hogaaminaysa 29 dhibic.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.