Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Ciyaartoyda Xulka Soomaaliya oo dalka Ka Ambabaxay +Sawirro

0
Friday April 24, 2015 - 08:36:25 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartoyda Xulka Soomaaliya oo dalka Ka Ambabaxay +Sawirro

    Xaflad lagu sagootinayay ciyaartoyda 23-jirada xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya oo ka qaybgalaya isreerb reebka ciyaaraha Olombikada Aduunka ayaa ka dhacaday magaaladaa Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka dhalinyarada iyo isboortig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad lagu sagootinayay ciyaartoyda 23-jirada xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya oo ka qaybgalaya isreerb reebka ciyaaraha Olombikada Aduunka ayaa ka dhacaday magaaladaa Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux , Xogahayaha Gos Duraan Axmed Faarax, Guddiga Fulinta xiriirka kubada cagta oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Xiriirka Sabdi Qani Saciid Carab iyo masuuliyiinka socotay kooxaha heerka koowaad ee dalka.



Waxaa halkas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka XSKC Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino,waxuuna yiri ” 23 sano ee la soo dhaafay xulka qaranka waxuu ka qayb galay ciyaaro, natiijo kala duwan wuu keenayay basle sanadkan juhdi badan ayuu xiriirka geliyay , waxaana la idinka rabaa in ad dadaalkaas kasoo dhalaashaan , isla markaana aad la timaadan asluub wanaagsan maadaana aad tihiin safiirko dalka matalaya ayuu ciyaartoyda kula dardaarmay.


Guddoomiye ku xigeenka ayaa dhanka kale ka dhawaajiyay Baahida balaaran uu xiriirku u qabo in Garoonka Stadio Muqdisho ya ka baxaaan ciidanka Amisom taasoo ah arin uu xiriirka ku cel celinayo dowladuna asyan wali ka jawaabin.



Xoghayaha Gos Duraan Axmed Faarax oo munaasabada ka hadlay lana dardaarmay ciyaaryoyda ayaa yiri” Aduunku waxuu naga aaminsanyahay in aan nahay dal dhibaato ka jirto,mana nihin dad dhintay waan soo jeednaa umadahaha caalamkana waxbaan la qaybsanaynaa, dhamaantiiin waxaa tihiin safiiro dalka magtalaya waxaana laydiinka doonaya in aad ilaalisaan aqlaaqda kartidiinuna aad soo bandhigtaan si aad umadada guul ugu soo hoysaan.


Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carab oo munaasabada ka hdalay ayaa ugu horayn uga mahade celiyay wasiirka dhalinayara iyo isboortiga ka soo qaybgalkiisa munaasabda lagu sagootinayo ciyaartoyda waxuuna tilaamay in wasiirasa isboortiga wadamada Afrika aysan la kulmin ciyaartoyda marka laga reebo in dalkooda ciyaaro ka dhacayaan.


Guddoomiye Cabdiqani ayaa dhanka kale wasiirka uga warbixiyay xaalada ciyaartoyda waxuuna yiri ciyaartoydeena waa ciyaartoy u bareeray in ay ciyaaraan xili xaalad adag lagu jiro, qaarkood waa araday dhigata iskuulada sare iyo Jaamacadaha waxayna fasaxyo ka soo qaateen waxbarashoodda oo qaar imtixaano u diyaar garoobayeen si ay u matalaan xulka qaranka, ma helaan dhaqaalo ku filan sida ciyaartoyda wadama Afrika ,marka laga reebo in gunooyin yar ay qaataan marka y ay matalayaan xulka qaranka, Dowladuna laga doonayo in gacan ay ka geysato arinkaas.


Guddoomiye Cabdi Qani ayaa dhanka kale ciyaartoyda kula dardaarmay in ay muujiyaan Wadanimo, midnimo, xushmad iyo isku xirnaan si ay u difaacaan sumcada dalkooda, waxuuna ugu dambayn mahad celin u soo jeediyay labada Macalin ee xulka hogaaminaya una dhashay dalka Uganda kuwaa uu sheegay Guddoomiyaha in xiriirka ay ka aqbaleen in ay caawiyaan kubada cagta Soomaaliya, maadaama dhaqaalaha macaliminta afrika ay qaataan uusan xiriirku awoodin.


Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux oo ciyaartoyda la hadlay ayaa sheegay in ku faraxsan yahay in u arko ciyaartoy Soomaaliyeed ee u taagan difaaca calanka Soomaaliyeed , waxuuna intaa ku daray wasaaradiisu ay u taagan tahay horumarinta isboortiga dalka guul iyo guuldaro intaba ay garab istaagi doono ciyaartoyda waxuuna ciyaartoyda kula dardaarmay in ay ilaaliyaan anshaha maadaama ay matalayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed.


Xulka qaranka kubada cagta dalka ayaa ee maanta u ambabxay dalka ayaa 25 bishan magalaada Kigali kula ciyaari doona dalka xulka Rwanda lugta hore ee isreeb reeka ciyaaraha Olombikada Aduunka.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom MediaDepartment



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2025     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.