Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

XSKK oo bixiyay Abaalmarinadi koobka Gen.Daa'uud

0
Saturday April 25, 2015 - 14:08:52 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 1730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XSKK oo bixiyay Abaalmarinadi koobka Gen.Daa'uud

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada kolayga ayaa maanta muqdisho ku qatbay ciyaar lagu bixinayay abaalmarinadii koobka Jenaraal Daa'uud . ciyaartan ooahayd mid Saaxibtinimo ayaa dhex maftay kooxda Muqdisho City oo diyaargarow ugu jirta ciyaaraha m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada kolayga ayaa maanta muqdisho ku qatbay ciyaar lagu bixinayay abaalmarinadii koobka Jenaraal Daa'uud . ciyaartan ooahayd mid Saaxibtinimo ayaa dhex maftay kooxda Muqdisho City oo diyaargarow ugu jirta ciyaaraha magaalooyinka Afrika Inter City, iyo xiddgiga laga soo xulay kooxaha ka qayb galayay koobka Jen.Daa'uud.



Daawashada ciyartan waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay Wasaarada dhalinayarda iyo isboortiga , Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda Xiriirada dalka, Maamulka gobolka Banaadir siyaasada iyo isboortiga,


Ugu horayn halkaas ka hadlay kaaliyaha Xoghayaha XSKK Cabdi Cabdulle Baasaale oo ka warbixiyay macluumadka tartanka isagoo sheegay in tartankan uu xagga anshaxa aad uga wanaasganaa tartanada ka horeeyay.


Guddoomiyaha XSKK Cabdullahi Nuur Maxamed Cadaani oo isna ka hadlay ayaa sheegay in sanadkan uu ahaa sanad taariikhi ah oo 24 sano kadib xiriirkuusu ku dhiiraday in xili habeen ah uu ciyaaraha kubadad kolayga qabto, waxuuna mahad helin u soo jeediyay kooxaha kubadda kolayga aqbalay in tartankan xili habeen ah ciyaaraan iyo maamulka degmada Cabdicasii oo gacan wayn ka gaystay tartankan.



SIdoo kale waxa halkas ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar waxuuna amaan u soo jeediyay XSKK , oo ku sifeeyay in ay qabteen arin sare u qaadaysa is dhex galka bulshada Gobolka isla markaana ay tartankan gobolka uga soo baxeen ciyaartoy Magaalada Muqdisho matali doonta ciyaaraha magaalooyinka Afrika.


Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhalinyarda iyo isboortiga Daahir Axmed Climi , waxuuna sheegay in wasaaradiisu soo dhawaynayso talaabada horumarka leh uu xiriirka kubadad kolayga ku talaabsaday waxuuna kula dardaarmay in ay halkooda kasii wadan wasaaraduna ay gacan ka gaysan doonto .


Ciyaartii iu dhaxaysay kooxda Muqdisho city iyo Xiddigaha ayaa ku soo gebogebowday 61-58 oo ay guusha ku raacday kooxda Muqdisho city, Waxaana shahaado sharaf gaar ah la gudoonsiiyay Xaaji Maxamed Axmed Colow oo ah garsoorihii ugu horeeyay ee Heer Caalami kubadda kolayga uu dalkeena Yeesho waxuuna xiriirka ku abaalmariyay kadib markii uu qayb wayn ka qaatay horumarinat kubadda kolayga gaar ahaan tartanka koobka Jen,Daa’uud ee dhawaan soo idlaaday.


Sidoo Kale waxaa sharaf lagudoonsiiyayIdaacada Goob joog oo Noqotay idaacada kaliya ee u taagnaayd bilowga iyo dhamaadka tartanka

Halkan ka aqrsio Abaalmarinada iyo Shahaado sharafka xiriirka bixiyay.

KoobkaKaalinta 1-aad Wiilasha Kooxda I.L.S

Koobka Kaalinta 2-aad Wiilasha Heegan

Koobka Kaalinta k 1-aad Gabdhaha Horseed

Koobka Kaalinta 2-aad gabdhaha Heegan

Ciyaarayahanki ugu wanaagsan Cali Maxamed Aadan ( Bariiwiini ) Kooxda Heegan

Gool Dhalinta Cabdirasaaq Axmed Dable Mandella ( Dekedda) 70 Jeesto = 140 dhibic

Ciyaarayahanki ugu Asluubta wanaagsanaa Axmed Daahir ( Dekedda)

Tartanka Three Pointiga Cabdifitaax Maxamed Mocow Buukaale ( Heegan)

Garsoorihii ugu Wanaagsanaa Zakariye Macalin Nuur

 

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Deparment



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.