Munaasabadda furitaanka seminaarka , waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda dhalinyarad iyo isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, madaxada xiriirada ,guddiga Fulinta xiriirka kubadda cagta Macalimiinta Seminaarkan bixinaysan oo u dhashay dalalka Masar iyo Jordan.iyo garsoorayaasha kubadd cagta.
Daawo Sawiarada:

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay kusimaha xoghayaha XSKC Cali Maxamed Axmed( Cali saciid) waxuuna sheegay in Seminaarkan uu yahay kii shanaad oo ay Fifa u qabato Soomaaliya sedex kamid ah lagu qabtay jabuuti, dhanka kale waxaa la qaband oonaan seminaar muhiim ah oo dhanka Macalimiinta garsoorayaasha ayuu Cali Saciid raaciyay.


Guddooomiye Sharafeedka Gos Cabduqaadir Gacal Abkow oo isna munaaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in kubadda cagta ay ka mid tahay xiririada ugu horeeyay dalka ka hana qaaday, garsoorkuna laf dhabar yahay ciyaaraha dalka.

Macalinka seminaaraakan bixinayav Axmed Al shanawi dalka Masar u dhashay oo isna ka hadlay munaasabada sheegay in uu aqoon gaar ah u looyhay guddoomiyaha XSKC Cabadiqani saciid Carab , waxuuna ku tilmamay shaqsi howl kar kar ah oo ay ka go’an tahay in uu horumariyo kubadda cagta Soomaaliyeed.
” Waa sanadkilabaad dalka Soomaaliya imaanayo waana balan qaadkii aan samaayey sandkan waxaa e wehliya yo Xasan Mxamed Xasan uu dalka jordan u dhashay waxaana go’an ku gaarnay in aan caawino isboortiga Soomaaliya, iskana ilowaan dhibaatoyinka ka jira” ayuu yiri Alshanawi.
Guddoomiye Ku xigeenka XSKC Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino ayaa isna sheegay in shanti sano ee ugu dambeeyay uu xiriirka qabanayeen korsooyinlagu horumanayo , garsoorayaasha iyo macalimiintooda, waxay qabteen dadaal xoogan dalka iyo dibada iyadoo ay maanta 4 garsoore dalka ka dhooftay si ay u soo dhex dhexadiyaan ciyaaro ka dhacaya dalka Tunisia, waxuuna mahad celin u soo jeediyay Fifa oo garab istaagtay y soomaaliya sidoo Kale waxuu mahad celiyay Gosiyo Wasaaradda dhalinyarada oo kaalintooda nala qabtay ayuu Guddoomiye ku xigeenka yiri.#



Guddoomiye Cabdiqani ayaa dhanka kale fariin u diray Fifa si loo balaariyo hporumarinta kubada cagta oo aysan FIfa Ku koobnaan Garsoorka oo kaliya ., waxuuna mahad celin u soo jeediyay Macalimiinta dalka u yimid in ay horumaryaan garsoorayaasha kubadd cagta Soomaaliyeed, waxuuna garsoorayaasha tababarka qaadanaya kula dardaarmay in ay layimaadan dadaal iyo karti si ay uga faa’iidaystaan macaliinta islamarkaan ay anshaxooda wanaajiyaan,
Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka dhalinyarda iyo isboortiga Cusmaan Aadan Dhuuboow, waxuuna ugu horayn uga mahd celiyay Fifa oo ogolaatay in dalka Soomaaliya loo soo diro macalimiin si ay u horumariyaan qaybta garsoorka waxaan rajeynaynaa in Fifa qaybaha kale muhiimka ah ay u soo diri doonto Soomaliya, ayuu wasiirku yiri
Wasirka ayaa ku nuuxnuuxsday in wasaaraddana ay qaadan doono si uu isboortiga Soomaaliyeed u hormaro simaarkan oo lagu Magacaabo MA Course ( Member Asositions) ayay Fifa u qabataa dalalka Caalamka waana sanadkii labaad oo Soomaaliya lagu qabanayo waxaana sandkan ka qayb qaadanaya 24 garsoore taasoo muujinayso daalka horumarineed uu kutalaabsanayo isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubada cagta.
Daawo Sawiarada:



































W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media Department
FIFA oo Seminaar Heer Caalami ah Muqdisho uga furtay Garsoorayaasha kubadda cagta Dalka+Sawirro
Munaasabadda furitaanka seminaarka , waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda dhalinyarad iyo isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, madaxada xiriirada ,guddiga Fulinta xiriirka kubadda cagta Macalimiinta Seminaarkan bixinaysa