Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee Takewandu-ga Oo U Ambabaxay dalka Ruusha Taratnka takewandu-ga Aduunka 2015

0
Wednesday May 06, 2015 - 16:15:40 in Xiriirka Tiyakwonduuga by Nocsom Editor
  • Visits: 1440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee Takewandu-ga Oo U Ambabaxay dalka Ruusha Taratnka takewandu-ga Aduunka 2015

    Waxa bilihii la soo dhaafay tababar xoogan u socday kooxda xulka qaranka soomaaliyeed ee taekwondow-ga iyagoo diyaar garoow adag uguugu jiray ka qeybgalka ciyaaraha taekwondow-ga aduunka 2015-ka oo sanadkaan lagu qaban doono magaalada Chelyabinsk ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa bilihii la soo dhaafay tababar xoogan u socday kooxda xulka qaranka soomaaliyeed ee taekwondow-ga iyagoo diyaar garoow adag uguugu jiray ka qeybgalka ciyaaraha taekwondow-ga aduunka 2015-ka oo sanadkaan lagu qaban doono magaalada Chelyabinsk ee wadanka Ruushka.



Tartankan ayaa aad muhiim ugu ah cayaartooyda qaranka Soomaaliay oo haddii ay guulo gaaran ku heli doonaan dhibco loogaga baahan yahay ka qeybgalka tartamada Olombikada Aduunka ee RIO 2016 oo lagu qaban doono dalka Brazil.


Wafdiag u ambabaxay wadanka Ruushka ayaa waxaa hogaaminaayey Gudoomiye ku xigeenka koowaad ahna madaxa xiriirada caalamiga ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Taekwondow-ga Eng. Ahmed Ciise Kirish ayaa inoo sheegay inciyaartaan aad iyo aad muhiim uguugu tahay ciyaartooda qaranka Soomaaliyeed ee Taekwondow-ga.



Gudoomiye Kirish ayaa sidoo kale inoo sheegay inuu asagana matali doono Xiriirka Soomaaliyeed ee Taekwondo-ga uu kaga qeyb gali doono doorashooyinka madaxweynaha Taekwondowga Aduunka ee sanadka 2015 oo ay doorashadiisa ka dhici dooto isla magaaladaas Chelyabinsk ee wadanka Ruushka.


Guddoomiye Kiriish ayaa aad u amaanaayey cayaartooyda qaranka sida ay maalmahan dadaalka dheeriga ah ay umuujiyeen ayna rajeynayaan inay kasoo hooyaan guulo qaali ah.

Waxaa Somaaliya uga qeybgalaayo cayaartooyda kala ah Faisal Jeylaani oo Aweys oo ku ciyaaraya Miiskanka 58Kg, Salima Ismaacil 54Kg, Maxamed Deeq Cabdule 54Kg iyo tababaraha cayaartooyda qaranka Elton De Souza Moreira oo udhashay dalka Brazil.


Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Taekwondo-ga Eng. Kirish ayaa dhanka amaan balaaran u diray Gudiga Olombikada Soomaaliyeeed (GOS) oo taageero xoogan ka geystay, suurto galiyeyna in Xulka Qaranka Taekwondow-ga Soomaaliyeed ay ka qeybgalaan tartankan aadka muhiim ka u ah iyo waliba tartamo badan oo ka dhacay qaarada Afrika iyo Yurub oo ay cayaartooyda kaga soo hooyeen bilado taariiqi ah sida tartankii ugu danbeeyey oo ahaa tartanka qaarada Afrika oo ay ku guuleysteen bilada Maarta ayna noqdeen ciyaartooda ugu fiican qaarada Africa ayna galeen kaalinta 3aad.


Ugu danbeeyntii waxuu Xiriirka Soomaaliyeed ee Taekwondo-ga uu dadaal fara badan ugu jiraa siduu u horumarin lahaa guud ahaan dhalinyarada isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan ciyaaraha Taekwondow-ga una soo saari lahaa dhalinyaro aad ufirfircoon oo matali kara qaranka Soomaaliyeed ilaa iyo heer caalami ayuu yiri Eng. Kirish.


Xiriirka takewanduga Soomaaliyied ayaa ka mid ah xirirada guulaha la taaban karo kasoo hoyay dalka dibadiisa tan iyo burburkii xukumadii dhexe ee dalka, waxaana sidoo kale lagu wadaa in ciyaartoyda bisha September ka qayb galaan ciyaaraha All Afican games oo ka dhici doona dalka Congo,

W/D: Xuseen Maxamed Hadafow

Waaxda Warfafinta Gos



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.