Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Soomaaliya Oo Kaalin Muhiim Ah Ka Qaadatay SHirwaynaha Xiriirka Taekwanduga Aduunka Oo dalka Ruushka kadhacay+Sawirro

0
Sunday May 17, 2015 - 12:12:46 in Xiriirka Tiyakwonduuga by Nocsom Editor
  • Visits: 1377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Kaalin Muhiim Ah Ka Qaadatay SHirwaynaha Xiriirka Taekwanduga Aduunka Oo dalka Ruushka kadhacay+Sawirro

    Waxaa maalintii Isniinta si rasmi ah uga furmay magaalada Chelyabinsk ee dalka Russia shirkii 26-aad ee Xiriirka Taekwondow-ga Aduunka 2015-ka, shirkaan oo shir muhiim ah ayaa sanadkasta la qabtaa waxaana looga hadla horumarinta ciyaaraha Taekwondo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalintii Isniinta si rasmi ah uga furmay magaalada Chelyabinsk ee dalka Russia shirkii 26-aad ee Xiriirka Taekwondow-ga Aduunka 2015-ka, shirkaan oo shir muhiim ah ayaa sanadkasta la qabtaa waxaana looga hadla horumarinta ciyaaraha Taekwondo-ga Aduunka iyo in sidoo kmale waxaa lagu soo bandhigaa waxqabadka xiriirada Taekwondow-ga wadamada caalamka.



Shirkan waxaa sidoo kale looga hadlay ciyaaraha Taekwondow-ga Aduunka Rio 2016 oo lagu qaban doono wadanka Barazil iyo ansixinta sharciyada cusub oo kusoo kordhay cayaaraha Taekwondo-ga Aduunka.


Waxaa shirkaan muhiimka ah dalka Soomaaliya uga qeyb galay Gudoomiye kuxigeenka ahna madaxa xiriirada caalamiga ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Taekwondow-ga Eng. Ahmed Ciise Kirish


Waxuuna bahda saxaafadda u sheegay in shirkaan uu xiriirkiisa aad uga faaideystayw wadahadalo gooni gooni ah la yeeshay madaxda Xiriirka Taekwondo-ga Aduunka iyo weliba madaxa Xiriirka Taekwondo-ga qaarada Afrika iyo wadamo badan oo gacan ka geysan kara horumarinta Xiriirka Taekwondo-ga Soomaaliyeed.



Sikastabo ha ahaatee, Waxaa Gudoomiye Eng. Kirish uu intaas raaciyey in ay Soomaaliya ay haatan ku Jirto kaalin muhiim ah ayna ka hormarsan tahay wadamo aad uwaaweyn marka loo eego wadanka Soomaaliya. Waxaana amaantaas leh gaar ahaan ciyaartooyda Taekwondowga qaranka Soomaaliyeed iyo weliba Guud ahaan Gudiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) oo taageero aad iyo aad ah siiyey horumarinta Xiriirka Taekwondo-ga Soomaaliyeed.


Ugu danbeyntii Waxaa shirkaas lagu aqoonsaday wadamo ilaa iyo 5 wadan gaaraya oo kusoo biiray Xiriirka Taekwondow-ga Aduunka oo la ansixiyey inay kamid noqon karaan laga bilaabo bisha June 2015 Sidoo kale Waxaa lagu balamay in shirkaan shirka xiga lagu qaban doono wadanka Mexico bisha May 2016 .

 


Ciyaartoyda Xulka qaranka Takewanduga Soomaaliya ayaa ku sugan Magaalada Chelyabinsk ee shirka ka dacayo halkas o ay uga qayb gali doonaan ciyaaraha takewanduga Aduunka 2015 iyadoo rajada Soomaaliya ay tahay mid sare.

W/D/ Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department

unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)unnamed (6)unnamed (7)unnamed (8)unnamed (9)unnamed (10)unnamed (11)unnamed (12)unnamed (13)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.