Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Heegan oo guul ka gaartay dekedda kuna dhawaatay Hanashada Horyaalka

0
Saturday May 30, 2015 - 10:47:27 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heegan oo guul ka gaartay dekedda kuna dhawaatay Hanashada Horyaalka

    Kooxda kubada cagta Heegan ayaa ka adkaatay Dekedda kulan ka tirsan horyaalka kubada cagta dalka Nationlink Championship 2014-15 kulan ay labada koox galabta ku yeesheen Garoonka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubada cagta Heegan ayaa ka adkaatay Dekedda kulan ka tirsan horyaalka kubada cagta dalka Nationlink Championship 2014-15 kulan ay labada koox galabta ku yeesheen Garoonka Banaadir.



Kulankan oo ahaa kulan 77-aad ee horyaalka ayuu labada koox u ahaa kulanki 16-aad waxaana u soo daawasho tagay masuuliyiin iyo dadwayne bdan oo labda koox kal taageerayayay.


Labada koox ayaa so badnhigay ciyaar wanaagsan waxaana qaybta hore lagu kala nstay 0-0 iyada oo xaga fursdah ay ku gacabn sareyso kooxda Dekedda.


Marki laysku soo laabtay qaybta labaad xiddiga No.8 ee Dekedda Cabdikarii Qubaaye ayaa kooxda Dekedda, Heegan oo fursdaaas ka faa’iidaysanaysa ayaa weerar culus ay soo qaaday lagu abaal mariyay gool’kulaad waxaana gool u badalay kabta kooxda Heegan jabriil Xasan fariid.



Dekedda o ku ciyaaraysa 10 ciyaaryahan ayaa heshay dhowr fursad u dahabi ah basle kama faa’iidaysan waxaana goolka rajo tiray ka dhaliyay Deeq C/laahu Nuur Deeq Aaryo oo ciyarta ka dhigay 2-0


Kabtanka Heegan Jabriil Xasan fariid ayaa gebogabdii ciyaarta roose ka qaatay kooxda Heegan waxayna ciyaarta ku idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Heegan.


Guushan ayay kooxda Heegan u suura gelisay in ay hogaanka ku qabtaan 5 dhibic oo nadiif taasoo aad ugu dhawaanayaan hanashda horyaalka.


Dekedda ayay guuldaradan u tahay guuldaradi labaad oo xiriir ah oo soo gaaraysa.


Jabriil Xasan fariid ayaa galabta dhaliyay goolkiisi 15 ee horyaalka isagoo iska soo barbareeyay Cabduqaadir Shariif Muqtaar Niinja oo Jeenyo weerarka 

uga ciyaara oo ay min 15 gool horyaalka ku hogaaminayaan.


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.