Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Kooxda Banaadir SC oo Guushii Ugu Horeysay Ka Gaartay Jeenyo Heegana u Gacan gelisay Horyaalka +Sawirro

0
Tuesday June 02, 2015 - 02:17:05 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Banaadir SC oo Guushii Ugu Horeysay Ka Gaartay Jeenyo Heegana u Gacan gelisay Horyaalka +Sawirro

    Kooxda kubadad cagta Banaadir SC ayaa galabta marki ugu horeysay guul ka gaartay kooxda Jeenyo kualn katirsan horyaalka kubada cagta Dalka Nationlink Championship 2014-15 oo ay labada koox ku yeesheen garoonka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadad cagta Banaadir SC ayaa galabta marki ugu horeysay guul ka gaartay kooxda Jeenyo kualn katirsan horyaalka kubada cagta Dalka Nationlink Championship 2014-15 oo ay labada koox ku yeesheen garoonka Banaadir.

Kabtanka Banaadir Daadir Amiin Cali oo No. 7 U qaata ayaa kooxdiisa hogaanka u dhiibay daqiiqadi 11-aad bilowga hore ee ciyaarta , iyadoo garoonka ay ruxeen taageerayasha Banaadir uu baadigoob ugu jiray in ay markoodi ugu horeysay arkaan guul kooxdoodu ka gaarto Jeenyo,

Laacibka No 8 ee Jeenyo Xasan Cabdinuur Geeseey ayaa sigay goosha Banaadir kadib markii laad xor ah birta goosha ku dhuftay waxaana qaybta hore lagu kalanstay 1-0.

Marki laysku soo laabtay kooxda Banaadir ayaa hogaanka dheeraysaray waxana mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqadi 50-aad Daadir Amiin Cali oo ay maalinkiisa ahayd.

Jeenyo oo aan looga baran in ay quusato ayaa ciyaarta ka dhigtay 2-1 waxaana u saxiixay Xasan Tubbo oo no.3 u qaata, iyadoo dadka qaar ay maleeyeen in ay mar kale jeenyo goolal kale dhalin karto sidii dhacday 2 Maarso, basle difaaca Banaadir ayaa ka diiday.

Daqiiqadi 90+3 waxaa Banaadir SC Calaamada Roosaha ka qaatay C/laahi Cabdiraxmaan oo No 16 u qaata waxayna ciyaarta ku idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Banaadir SC taasoo ka dhigan in ay guushi ugu horeysay dhamaan tartamada Ka gaaraan jeenyo.

Guusha Banaadir ayaa dhanka kale Heegan ku gacan siisay in ay xaqiijiyaan hanashada Horyaalka, Heegan ayaa leh 36 dhibic 16 kulan ay ciyaartay waxayna taas ku heshay hanashada horyaalka kubadda cagta dalka 2014-15, kooxaha ku soo xiga Banaadir oo 17 kulan ciyaartay ay leedahay 32 dhibci halka Jeenyo 17 kulan ciyaarta ay iyana leedahay 31.

Ku guulaysiga horyaaalka ee kooxd Heegan ayaa ka dhigan in ay Soomaliya Matali doonta ciyaaraha Kooxaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee bisha July ee sanadkan dhici doona.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media department.



IMG_6645IMG_6649IMG_6652IMG_6656IMG_6664IMG_6680IMG_6698IMG_6740IMG_6759IMG_6812IMG_6833IMG_6879IMG_6884IMG_6892IMG_6911IMG_6739

IMG_6884

IMG_6934IMG_6942IMG_6953IMG_6982IMG_7010IMG_7026IMG_7037IMG_7042IMG_7046IMG_7065IMG_7085IMG_7095IMG_7120IMG_7124IMG_7140IMG_7149IMG_7230IMG_7272IMG_7286IMG_7309IMG_7317





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.