Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Garoonka kubadda Cagta Jaamacadaha Oo lagu Bilaabay Dhigida Cawska Macmalka+Sawirro

0
Wednesday June 03, 2015 - 18:16:55 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoonka kubadda Cagta Jaamacadaha Oo lagu Bilaabay Dhigida Cawska Macmalka+Sawirro

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa garoonka Jaamacadaha degmada Hodon ee gobolka Banaadir ka bilaabay dhigida Cowska macmalka iyadoo garoonka ay ku socdaan dhismo guud oo heer caalami looga dhiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa garoonka Jaamacadaha degmada Hodon ee gobolka Banaadir ka bilaabay dhigida Cowska macmalka iyadoo garoonka ay ku socdaan dhismo guud oo heer caalami looga dhiyo.

dhismaha garoonka Jaamacadaha oo qabanayso shirkad Turki ah ayaa soo bilaawday bishii Febraayo ee sanadkan, iyadoo dhigista Cawska macmalka oo todobaadkan bilaabatay waxaana booqasho ku tagay masuuliyiin ka socota XSKC oo ay ka mid ahaayeen kusimaha guddoomiyaha Yaxye Maxamed Abuukar, Xoghayaha Guud ee Xiriirka Xasan Maxamed Maxamuud iyo guddoomiyaha guddiga Garsoorka Cusmaan Jaamac diraac.

Xogahayaha XSKC Xasan Farey oo bahda saxaafada kula hadlay garoonka jamaacadaha ayaa sheegay In mashruucanuu yahay kii labaad oo ay FIFA ugu deeqdo dalka Soomaaliya isagoosheegay in hore FIFA msahruuc Cas dhidi ah uga ufulyeen garoonka Banaadir (EX Koonis ), Fifa-na ay ka raeynayaa mashaariic bdan oo lagu horumarinayo kubadda cagta Soomaaliya.

Xogahayaha ayaa dhanka kale sheegay in xiriirka uu qorshaynayo in dib udhisida garoomadii ay lahaayeen kooxaha dalka sida Horseed, Dekedda, Waxool iyo garoonka Muqdisho oo Ciidamada AMison dagan yihiin , si loo dhigo Cawska Macmalka lana dayactiro, xogahyaha ayaa ugu dambayn tilmaay in xiriirku uu garoonkan u isticmaali doono tartamada kala gedisan iyadoo kooxahana fursad loo siin doono in ay tababar ku qaataan.

Ingireenka garoonka Cawska dhigaya Axmed Bayana oo u dhashay dalka Trukiga oo insa ka hadlay ayaa yiri” Halkaan waxaan unimid qandaraas aan FIFA ka helnay oo ah in aan garoonkan ka dhigo garoon Caalami , ” Caws Dhigista hada u bilaabatay waxana ku soo dhamayn doonaan muddo bil ah ,waxaana inoo xigi doona Carro loogu talo galay waxaana raaci doona goome yaryar waana cabir ay FIFA nasiisay dhamaan waxa aan samaynayo .

Ingineerka ayaa intaa ku daray in Howshooda ay ku koobnaan doonto garoonka gudahiisa iyo qaybta Oroda , basle haddii xiriirka uu soo jeediyo howlo kale ay diyaar u yihiin in ay qabtaan.

” Soomaaliya waa dal islaam ah oo an walalo nahay uma imaan kaliya in aan dahqaalo ka helo in aan caawiyo ayaan u imid ayuu Ingineer Axmed Bayana yiri.

Mashruucan ayaa ah mashruucii labaad oo ay Soomaaliya ka fuliso waxaana ka horeeyay Garoonka Banaadir ( Ex Koonis ) oo Fifa Cawska Macmalka dhigtay 2012.

FIFA ayaa bishii Janaayo ee sanadkan Soomaaliya u soo dirtay Maadax Horumarinta FIFA ee qarada Afrika Zalkifli Raxmaan si u qiimayn ugu sameeyo waxuuna warbixino ka dhagaystay Madaxda xiriirka kubada cagta taasoo sare u qaadaysan hanaanka horumarka kubada cagta dalka ku talaabsanayo.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department

IMG_7386IMG_6388IMG_6343IMG_6314IMG_7401IMG_8027IMG_8025IMG_6343IMG_6314IMG_7386IMG_6292IMG_6282IMG_6451IMG_6473IMG_7486

IMG_8124IMG_8122IMG_8137IMG_8124IMG_6473IMG_6451

 

IMG_6472IMG_6483IMG_6490IMG_7535IMG_7558IMG_7628IMG_7401IMG_8087IMG_7580IMG_7597IMG_7463IMG_7428IMG_7423IMG_8087

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.