Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Tartankan kubadda Kolayga 3×3 Oo Maanta Muqdisho Ka Furmay+Sawirro

0
Friday June 12, 2015 - 19:48:34 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartankan kubadda Kolayga 3×3 Oo Maanta Muqdisho Ka Furmay+Sawirro

    Tartanka kubadda Kolayga 3×3 oo maanta marki ugu horeysay ka furmay garoonka Wiish ee Magaalada Muqdisho, Munaasabda furitaanka waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka soctay wasaaraddda dhalinyarada iyo isboortiga Guddiga olombikada Soomaaliyee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka kubadda Kolayga 3×3 oo maanta marki ugu horeysay ka furmay garoonka Wiish ee Magaalada Muqdisho, Munaasabda furitaanka waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka soctay wasaaraddda dhalinyarada iyo isboortiga Guddiga olombikada Soomaaliyeed, Madaxda Shirkada StarSom oo tartankan maal gelinaysa iyo msauuliyiin XSKK ah.



Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Kusimaha Xoghayaha XSKK Cabdi cabdulle Baasaale waxuuna sheegay in tartankan uu yahay bilow isla markana ay ka qayb gali doonaan 8 koox oo isu jira 5 heerka koowaad ah iyo 3 ciyaartoydi cuslaatay ah si ay uga faa’iidaystaan ciyaartoyda da’yarta waxuuna sheegay in sanadkan ay tartankan maal gelinayso shirkada Duulimaadka Starsom,


Madaxa Shirka Starsom Treveling Axmed Daahir oo isna goobta ka hadlay aya sheegay in maamulkiisa ay go’aansadaeen in ay ka qayb qaataan sare u qaadida isboortiga gaar ahaan kubadda kolayga, waxuu intaa ku daray in tartankan ay si joogta ah u maal gelin doonaan isla markaana ay ka qayb qaadan doonaan tartamada kale eee isboortiga si isboortiga soomaaliyeed horumar u sameeyo.



Ugu Dambayn waxaa halkas ka hadlay oo tartankan furay Agaasimaha waaxda Isboortiga ee wasaaradda dhalinyarda iyo isboortiga Cabdullahi Aaboow Xuseen, waxuuna sheegay in wasaaradu ay soo dhawaynayso dadaalada xiriirka kubadad kolayga ay kujiraan.


Agaasimaha ayaa dhanka kale u mahad celiyay shirkada Starsom oo tartankan maal gelinaysa waxuuna shirkadaha kale ee dhaqaalaha haysta ugui baaqay in ay ka qayb qaataan horumarka isboortiga dalka maal gelina kusameeyaan qaybaha kale gedisan ee isboortiga si isboortiga Soomaaliyeed uu u horumar gaaro.


Tartankan oo ay ka qayb galayaan 8 koox oo laga Group loo qaybiyay waxaa kulanki ugu horeeyay wada yeeshay kooxaha Dekedda iyo Plasma waxaana 11-6 ku adkaatay Dekedda.

Ciyaarahan oo ay koox waliba u ciyaarayaan 3 ciyaaryahan ayaa ah marki ugu horeysay ee Soomaaliya laga ciyaaro iyadoo xiriirka kubada Kolayga Aduunka (FIBA) ay dhaqan geliyay 2012.

Daawo Sawirada:

IMG_1078IMG_1094IMG_1103IMG_1114IMG_1117IMG_1134IMG_1153IMG_1165IMG_1179IMG_1188IMG_1197IMG_1201IMG_1204IMG_1219

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2025     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.