Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Munaasbad Loogu Baroooq Diiqayay allaha u naxariistee Guddoomiyihii Xiriirka Ciyaaraha Fudud Oo Muqdisho Ka dhacday+Sawirro.

0
Thursday July 02, 2015 - 17:43:52 in Xiriirka Ciyaaraha Fudud by Nocsom Editor
  • Visits: 1876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Munaasbad Loogu Baroooq Diiqayay allaha u naxariistee Guddoomiyihii Xiriirka Ciyaaraha Fudud Oo Muqdisho Ka dhacday+Sawirro.

    Munaasabdan Baroordiiqa waxaa soo qaban qaabiyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo kaashanaya Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha Fudud waxaana kasoo qayb galay masuuiyiin ka socotay Gos, Xiriirada kale gedisan ee dalka ciyaartoy hore iyo qoyska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabdan Baroordiiqa waxaa soo qaban qaabiyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo kaashanaya Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha Fudud waxaana kasoo qayb galay masuuiyiin ka socotay Gos, Xiriirada kale gedisan ee dalka ciyaartoy hore iyo qoyska Pro: Maxamed Cali.



Ugu Horeyn waxaa halkaas ka hadlay Xogahayaha Guud ee XSCF Maxamed Cabdullahi DHaaaleey waxuuna yiri” Waxaan ka ka murigaysan nahay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Guddoomihii XSCF oo runtii ahaa nin taariikh wayn ku lahaa isboortiga Soomaliyed gaar ahaan xiriirka Ciyaaraha Fudud” Xaqiiqdi Ma iloobi doono waxaana fulin doonaa dardaarankiisi ahaa in loo istaago horumarinta isboortiga dalka.

Kusimaha Guddoomiyaha XSCF Marwo Khadiijo Aadan Daahir oo Munaasabadda kadhashay ayaa sheegtay in xiriirka ciyaraaha fudud o aad uga muroogooday geerida Pro: Maxamed oo ay ku tilmaamtay in uu ahaa halyeey taariikh wayn ku leh bahda isboortiga guud ahaan igaar ahaan ciyaaraha fudud.




Guddoomiyaha Xiriirka Takenwaduga Aweys Maxamed Abati Orafeyo oo Goobta ka hadlay Goobta ayaa yiri” sanadihii 50-aadki ayaa ku soo biiray ciyaaraha Feerka oo aan guulo ka gaaray waxanaa ka dambeeyay Pro: Maxamed Cali oo xiliga ahaa garsoore,waxuuna aad u jeclaa in uu dhalinayarada ku dheeri geliyo qayabaha kale gedisan ee isboortiga si isboortiga dalka u horumaro.

Madaxa Farasama Xiriirka kubada Gacanta Cabdullahi Xasan Kuusoow oo goobta kahadlkay isagoo tiiraayeysan ayaa si qoto dheer uga sheekeeyay taariidka Marxuumka waxuuna sheegay in Guddoomiayah uu ahaa Macalinkiisii jaamacada Lafoole ee baray xirfada isboortiga islamarkaana soo saaray macalimiin iyo ciyaartoy dalkabilado u soo hoyay.


Raashid Maxamed Cali oo Wiilka Marxuumka Geeriyoday oo munssabada kasoo qayb gakay ayaa sheegay in Aabahii ka geriyooday dhamaan umada Soomaaliyeed qoyskuusuuna ay ku qanacsan yihiin sida bahda isboortiga ugu murugoodeen .


Ugu dambeyn waxaa Munasada Baroordiiqa soo xeray Madaxa Armiaha xiriirada Gos Xaaji Maxamed Axmed Colow, waxuuna yiri. aniga ku hadlay magaca Guddiga olombikada iyo kan xiriiradiisa waxaan ugu horeyn tacsi u dirayaa Qoyskii uu ka geeriyooday Profesora, Macalinkaygi ayuu ahaa sanadihii lixdamaadki waxaana markasta ka go’neyd in isboortiga dalka horumaro waxuuna caawin jiray dhamaan ciyaaraha dalka isagoo qof kasta ku dhiire gelin jiray booska uu ku haboon yahay horumarna kasamayn karo. waxuuna ahaa Macalin soo saaray dad waxtar u leh isboortiga dalka iyodibadiisaba gaar ahaan dalka Imaraadka uu qayb wayn ka qaatay isboortigooda taasoo muujinaysa sumcada uu umadddasoomaaliyeed u soo hoyay.


"Waqtigiisi ayaa intaa ku ekaSamir iyo iimaan alle hanaga siiyo , balse waxaa xiriirka ciyaraha fudud kula dardaarmayaa in taariikhdiisa laga sameeyo Buug Guddiga olombiakdana makasta way xusi doonaan cidkasta oo taariikh ku leh isboortiga dalka ayuu hadalkisia ku soo gebagabeeyay Xaaji Colow.


Ugu dambeyn masuuliyiintiikasoo qayb gashay ayaa alle uga baryay Marxuumka naxariisti Jano ka waraabiyo, samir iimman kasiiyo dhamaan intii u ka geeriyooday.


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department


IMG_1043IMG_0964IMG_0971IMG_0972IMG_0979IMG_1006IMG_1007IMG_1008IMG_1010IMG_1012IMG_1017IMG_1019IMG_1024IMG_1026IMG_1043IMG_1059IMG_1066IMG_1075IMG_1091IMG_1097IMG_1103IMG_1149IMG_1150

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.