Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Horyaalki 16-aad Wiilasha Kubadda Gacanta oo Muqdisho Ka Furmay +Sawirro

0
Sunday August 09, 2015 - 16:13:54 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Nocsom Editor
  • Visits: 1618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalki 16-aad Wiilasha Kubadda Gacanta oo Muqdisho Ka Furmay +Sawirro

    Munaasabdadda furtinaaka horyaalkii 16-aad ee Wiilsha Kubadad Gacanta ayaa maanta ka dhacday Garoonka Wiish,waxaana ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga, Madaxda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda xiri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabdadda furtinaaka horyaalkii 16-aad ee Wiilsha Kubadad Gacanta ayaa maanta ka dhacday Garoonka Wiish,waxaana ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga, Madaxda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda xiriirada kubadda cagta, Kolayga, Laliska ,Ciyaaraha Fudud iyo Madaxda Xiriirka kubadda Gacanta.

Ugu Horeyn waxaa halkas ka hadlay Xogahayaha Xiriirka kubadda Gacanta Nuur Maye Cusmaan waxuuna sheegay in sandkan uu horyaalka ka duwan yahay sanadahii lasoo dhaafay kooxahana ay diyaar garow wanaagsan usoo galeen iyagoo ciyaartoy da’yar ay sandkan horyaalka ka qayb qaadanayaan taasoo muujinaysa rajada xiriirka ee ah in ciyaartoy tayo leh oo da’yar ah ay soo baxaan.

Guddoomiyahya Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Gacanta oo isna goobta ka hdlay ayaa sheegay in Xiriirka doonayo in kooxaha soo bandhigaan ciyaaro wanaagsan oo aqlaaq wanaag kujirto xiriirka uu abaal marin doono ciyaarki iyo macalinki ku sifoobo wanaag, dhanka kalena ay ganaax dul dhigi doonaan ciyaartoydi iyo macaliki aan la imaan ciyaar wanaag iyo maamul wanaag.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhaklinyarada iyo isboortiga Daahir Cabdullahi Cilmi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddda ay aad ugu faraxsan tahay in ay kasoo qayb gasho furitaanka horyaalka kubadda Gacanta Wiilasha ayna la dhacsan tahay dadaalka uu kujiro Xiriirka kubadda Gacanta oo dalka iyo dibadaba dhaqdhaqaayo kawada, waxuuna ugu dambayn furay horyaalka.

Horyaalka oo ay sanadkan ka qayb galkayaan 7 koox waxaa kulanki ugu horeeyay lagu daahfuray kooxaha Horseed iyo Nationlink waxayna waqti loogu talo galay ku idlaatay 18-7 oo ay guusha ku raacday kooxda Horseed.

Horyaalka ayaa la ciyaari doonaa maalmaha isniinta , Talaada iyo Khamiista waxaan kulanka labad ee horyaalka dheeli doona kooxda Horyaalka Heegan iyo Dekeddaha.

W/D: Xuseen Maxamed hadaafow

Nocsom Media Department

IMG_5944IMG_5953IMG_5960IMG_5965IMG_5966IMG_5974IMG_5979IMG_5987IMG_5990IMG_5997IMG_6001IMG_6005IMG_6007IMG_6009IMG_6023IMG_6025IMG_6029IMG_6036IMG_6041IMG_6045IMG_6066IMG_6085IMG_6089IMG_6091IMG_6092IMG_6100IMG_6102IMG_6106IMG_6115IMG_6122IMG_6125IMG_6141IMG_6169IMG_6173




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2025     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.