Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xulka qaranka Kubadda Cagta oo Xaflad heer sare lagu sagootiyay +Sawirro

0
Monday September 07, 2015 - 14:32:11 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka qaranka Kubadda Cagta oo Xaflad heer sare lagu sagootiyay +Sawirro

    Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta ayaa xaflad heer sare oo lagu sagootinayay ciyaartoyda xulka qaranka maanta muqddisho ku qabtay waxaana kasoo qayb galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isoortiga Maxamed Cabddulaahi Xasan Nuux , Wasiirk arimaha gudah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta ayaa xaflad heer sare oo lagu sagootinayay ciyaartoyda xulka qaranka maanta muqddisho ku qabtay waxaana kasoo qayb galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isoortiga Maxamed Cabddulaahi Xasan Nuux , Wasiirk arimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, Guddoomiyaha Gos Cabdullaahi Axmed Tarabi Madaxa Xiriirada Gos , Xaaji Maxamed Axmd Colow , Guddiga Fulinta XSKC Macalimiinta iyo ciyaartoyda xulka.

Ugu Horeyn waxaa Xafaladda ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Cabdi Qani Saciid Carab, waxuuna sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka ay u dhici doonaan kulamada Isreebreebka koobk aduunka oo Somaliya iyo Niger wada ciyaari doonaan.


Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay ciyaartoyda gaari doonaan dalka ethiopia oo lugta hore ay ku ciyaari doonaan 9 Aktoobar, waxuuna ku sababeeyay shuruudaha laga doonayo dalka lagu ciyaaro oo aan dhamaystirnayn , iyadoo Ethiopia ay ka aqbashay in dalkooda ay ku ciyaaraan,




Guddoomiye CabdiQani ayaa intaa ku daray in xiriirka uu Juhdi ballaaran ku bixiyay sidii ay u heli lahaayeen ciyartoyda Soomaaliyeed ee qaarada yurub ka ciyaarta waxuuna tilmamay in ay tartanka ka qayb galayaan 4 ciyaaryahan oo laba ka mid ah ay ka ciyaaraan dalka Ingiriiska kuwaa oo aqbalay in ay dalkooda matalaan.


Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ka hadlay xaflada ayaa yiri ” Aad bay ii farxad gelinaysaa in aan mar labaad kasoo qayb galo sagootintiina waana ku faraxsanahay dadaalki aad samaysay ciyaarihii hore ciyaartana mid ka wanaagsan ayaa la’idinka rajeynayaa wasaaraduna garabkiina ayaa taagan tahay.


Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Fedaraalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ( Odawaa) oo ka halay xafala ayaa ku dheraaday muhiimada ay Isbortiga bulshda u leeyahay , waxuuna si gaar ah ula dardaarmay ciyaartoyda xulka waxuuna u sheegay masuuliyada culus ee xambaarsan yihiin.


Ciyaartoyda Xulka qaranka ayaa 8 September uduuli doona dalka ethiopia halkaasoo ay muddo bil ah tababar ku qaadan doona waxayna lugta koowaad ee 9 Oktoobar kula ciyaari doonaan dalka Niger halka Lugta labaad ay 14 Oktoobar kula ciyaari doonaan dalka Niger


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department

IMG_5369 IMG_5401 IMG_5407 IMG_5436 IMG_5439 IMG_5455 IMG_5464 IMG_5469 IMG_5472 IMG_5485 IMG_5530 IMG_5543 IMG_5551 IMG_5563 IMG_5570 IMG_5575 IMG_5580 IMG_5602 IMG_5613 IMG_5624 IMG_5626 IMG_5645 IMG_5662 IMG_5665 IMG_5669 IMG_5673



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.