Xulka qaranka kubaddda Soomaaliya ayaa maanta ka ambaxay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee Magaalaa Muqdisho iyagoo kusii jeeda Magaalaa Adis- Ababa ee Dalka ethiopia oo ay ku ciyaari doonaan lugta hore ee isreebreebka koobka aduunk sanadka 2018 lagu qaban doono dalka Ruushka.
Wafdiga maanta dalka ka amba baxay dalka waxaa hogaaminayay Yaxye
Maxamuud Abuukar ( Yaxy Aayoow) oo Ka mid ah guddiga Fulinta xiriirka
kubadda cagta waxaana ku wehliyay 18 ciyaaryahan iyo 3 Macalin waxaana
kusoo biiri doona laba ciyaaryahan oo dalka ka uga soo biiri doona xulka
iyo 4 ciyaarahan oo qaaradda yurub ka ciyaara oo xullka u ciyaari doona
sida uu saxaafadda u sheegay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta
Cabdiqani Saciid Carab.
Halkan Ka Aqriso Liiska Ciyaartoydad loo mgacaabay in ay xulka matalaan ayaa kala ah
Goolhayaasha : Xasan Ibraahim Cali , Mustaf Khaalib Xuseen,
Daafac : Xasan Cali Rooble, Cabdikariin Nuur Abuukar, Siid Cali Baana
Xaaji, Xamsa Maxamed Muqtaar, Cabinaasir Yuusuf Axmed , Xasan Xuseen
Maxameed, Saadaam Cabdullaahi Gaab.
Qadka DHexe: Cabdikariin Cabdalla Maxamuud ( Qubaaye) , Cusmaan
Yuusuf Xaajoow,Cabaas Amiin Cali,Sidii Maxamed Cumar, Mahad Muxudiin
Xaaji, Daadir Amiin Cali, Cabdiqani Maxamuud Buulle Abgaalow,
Weerarka : Sacad Saalax Xuseen, Bile Muxudiin Buraale iyo Maxamed Cali Ibraahim.
Macalinka Xulka Mbabazi Charles , Macalinka Labaad Saalax Faarax Muxudiin,
Macalinka Goolhayayaasha Magala Jamaes .
Xulka qaranka ku dhawaad 3 bil diyaar garow ugu jiray ciyaarahan ayaa
muddo Bil ah tababar ku qaadan doona dalka Ethiopia waxayna lugta
koowaad ee isreebreebka koobka aduunka 2018 kula ciyaari doonaan dalka
Niger, iyadoo lugta labaad 13 Oktoobar kula ciyaari doona Magaalada
Niamey ee dalka Niger.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media department
Daawo Sawiarada:
Xulka Qaranka Kubadda Cagta Oo Dadlka Ka Amba baxay +Sawirro
Xulka qaranka kubaddda Soomaaliya ayaa maanta ka ambaxay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee Magaalaa Muqdisho iyagoo kusii jeeda Magaalaa Adis- Ababa ee Dalka ethiopia oo ay ku ciyaari doonaan lugta hore ee isreebreebka koobka aduunk sanadka 2018 la