Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Horyaalki 31-aad ee Ciyaaraha Fudud oo Muqdisho ka furmay+Sawirro.

0
Monday October 19, 2015 - 13:34:02 in Xiriirka Ciyaaraha Fudud by Nocsom Editor
  • Visits: 1886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalki 31-aad ee Ciyaaraha Fudud oo Muqdisho ka furmay+Sawirro.

    Xafladda Furitaank horyaalki 31-aad ee ciyaaraha oo ka dhacay garoonka Banaadir waxaa kasoo qeyb galay masuuliyin ka socota Wasaaradda dhalinyarda iyo isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Xiriirka ciyaaraha fudud, iyo maamulka gobolka Banaadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladda Furitaank horyaalki 31-aad ee ciyaaraha oo ka dhacay garoonka Banaadir waxaa kasoo qeyb galay masuuliyin ka socota Wasaaradda dhalinyarda iyo isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Xiriirka ciyaaraha fudud, iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa ugu horreyn xaflada ka hadlay Xoghayaha Xiriirka cayaraha fudud Maxamed Cabdullahi Dhaaleey, waxuuna sheegay in horyaalka ay ka qeyb galayaan 8 koox oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho ayna ku tartami doonaan qaybaha uu orodka ka kooban yahay, tartankana a u socon doono muddo 4 maalin ah.


Xogahayaha ayaa intaa kudaray in horyaalkan uu sanadkan ka xamaasad badan yahay horyaaladii lasoo dhaafay waxuuna tilmaamay in horumarki Ciyaartoyda Xulka qaranka ciyaaraha fudud ay kasoo sameeyeen ciyaarihii All african games ee dalka Congo ka dhacay ay keentay in ciyaartoy kasta uu dadaal u galo sidii uu u hiigsan lahaa kaalmaha lagu xulan karo taasna ay tahay horumarka uu xiriirka Soomaaliyeed ciyaaraha Fudud.




Kusimaha Guddoomiyaha Xiriirka Cayaaraha Fudud Marwo Khadiijo Aadan Daahir oo xafalada ka hadashay ayaa ugu horreyn u mahad celisay sida ay kooxaha iyo ciyaartoydooda ugu soo diyaar garoobeen horyaalkan , waxayna tilmaamtay in xiriirkuna uu ka rajeynayo diyaargarowgi ay bilihii lasoo dhaafay kooxaha ku jireen laga helo ciyaartooy tayo leh oo difaacda sumcadda ciyaraha Fudud.


Madaxa Xiriirada Gos , Xaaji Maxamed Axmed Colow oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Gos ay soo dhaweynayso dadaalka XSCF iyo horumarka uu ku tallaabsanayo , Gos ay taageero la garabtaagan tahay mar kasta, waxuunan kooxaha u rajeeyay in tartan wacan soo bandhigaan.


Ugu dambeyn waxaa goobta ka hadlay oo tartanka furay Agaasiamaha waaxda isboortiga Cabdulaahi Aabow Xuseen , waxuuna sheegay in ciyaaraha Fudud ay yihiin kuwa ugu wanaagsan ee guulo laga keeni karo ciyaaraha heerka caalami , wasaaradduna ay xoogga saari doonto sidii ay kaalin uga gaysan lahyd horumarka isboortiga dalka gaar ahaan ciyaaraha Fudud.


Kulamadi furitaanka horyaalka waxaa la orday orodka 200 iyo 400 ee isreebreebka ah iyo orodka 800m iyo 5,000m


Ciyaartoyda ka qayb galasya tartanak ayaa dityaar gariow kujiray tan iyo bilowgi sandkan waxaana lagu rajo weyn yahay in uu horyaalkan kasoo baxaan ciyaartoy.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfafinta Gos

Daawo Sawiradda:

DSC07312 DSC07316 DSC07319 DSC07321

DSC07326

DSC07328

IMG_8048 IMG_8057 IMG_8082 IMG_8090 IMG_8093 IMG_8120DSC07300 DSC07301 DSC07303 DSC07306 DSC07309IMG_7927IMG_7930IMG_7959IMG_7960IMG_7976IMG_7989IMG_7992IMG_8004IMG_8007IMG_8010IMG_8030

IMG_8189 IMG_8200




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.