Xiriirka Soomaaliyeed kubadda Cagta ayaa shalay garoonka Banaadir ku daah furay koobka J3naraal Daa'uud , waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka socota ciidanka Xoogga dalka iyo Xiriirka Kubadda Cagta.
Waxaa ugu horeyn xafladda ka hadlay xoghayaha Guuud XSKC Xasan Maxamed Maxamuud Xasan Fareey, waxuuna sheegay in koobka Jenaraal daa'uud uu yahay koob taariikh weyn ku leh kubadda dalkauuna so bilowday 1972 sanadkana uu ka duwan yahay sanadihi lasoo dhaafay ayna ka qeyb galayaan 16 koox oo heeraraka kale gedisan.
Sidoo Waxaa Xafladda ka hadlay Kusimhaa Guddoomiyaha XSKC Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino waxuuna sheegay in Koobka Jenaraal daa'uud ay sanadkasta maalgelin doonaan Ciidanka xoogga maadaama jenaraal Daa'uud uu ahaa taliyihii ugu horeeyay ciidanka xoogga,
Cali SHiino ayaa inta ku daray in xiriirka uu soo dhawaynayo waa shaqaynta wacan ee ciidanka iyo iyo sida ay ugu heelan yihiin horumarka Isboortiga.
Ugu dambayn waxaa goobta ka halay oo tartanka furay Abaanduulaha ciidanka xoogga Xali Baashiwaxuuna yiri sgaraf bay inoo tahay in ay ka qayb qaadanaay Koobkan Jenaraal daa'uud oo ahnin ku weyn quluubta ciidanka xooga dalka waynu joogtayn doontaa tartanka taaba gelintisa
Kulanki furitanka tartankaoo oo lagu daah furay kooxaha Banaadir SC iyo Jamhuuriya waxaa 4-0 guusha ay ku raacday kooxda Banaadir.
W/D : Xuseen Maxamed Hadaafoow
Waaxda Warfaafinta Gos
Daawo Sawiradda:
Name:
Email:
Website:
Comment:
Koobka Jenaraal Daa'uud oo Furmay iyo Banaadir oo guul ku daah furtay +Sawirro
Xiriirka Soomaaliyeed kubadda Cagta ayaa shalay garoonka Banaadir ku daah furay koobka J3naraal Daa'uud , waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka socota ciidanka Xoogga dalka iyo Xiriirka Kubadda Cagta.