Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Horyaalki 6 -aad Kubadda Gacanta Gabdhaha oo Xaflad Heer sare ah lagu soo xeray +Sawirro

0
Thursday November 05, 2015 - 10:55:18 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Nocsom Editor
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalki 6 -aad Kubadda Gacanta Gabdhaha oo Xaflad Heer sare ah lagu soo xeray +Sawirro

    Xaflad su heer sare oo lagu soo agaasimahay oo lagu soo xerayay horyaalka kubada Gacanta Gabdhaha ayaa shalay ka dhacaday gaeroonka Wiish, waxaana kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socota Ciidanka Booliska, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda Xiri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad su heer sare oo lagu soo agaasimahay oo lagu soo xerayay horyaalka kubada Gacanta Gabdhaha ayaa shalay ka dhacaday gaeroonka Wiish, waxaana kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socota Ciidanka Booliska, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda Xiriirada, fanaaniita iyo Baambayda Heegan iyo marti sharaf kale.



Ka hor xaflada waxaa halkaas ciyaar saaxiibtinimo ku ciyaaray kooxaha Heegan iyo Gaadidka oo ciyaar wanaasgan soo bandhigay waxaana garoonak la wareegay fanaaniinta Heegan oo halkaas ka qaaaday Heeso wadani ah iyo kuwa dhiira gelin u ah isboortriga iyadoo Baabayduna garoonka kusoo bandhigaeen heesaha Astaamaha dalka o ay ugi riyaaqeen dad waynihii garoonka ku sugnaa.


Gebagabdii waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow, waxuuna sheegay in horyaalka uu ku dhamaaday jawi wanaasgan oo aysan wax dhib ah ka dhicin, waxuuna mahad celin usoo jeediyay Kooxihii ka qayba galay, taageerayaasha iyo Baabayda Booliska Soomaaliyeed oo si wayn uga qayab qatay qurxinta iyo sare u qaadida Horyaalka.




Jenaraal Dhaga caleen oo ka mid ah Madaxda ciidanka Booliska oo xaflada ka hadlay ayaa ku dheraaday muhiimda uu isoortiga u leeyahay bulshada, waxuuna sheegay in ay Booliska ka go’an tahay in ay sare u qaadaan isboortiga kooxdooduna ay tahay koox dhankasta guulo ka samaysay waxuuna mahad celin u soo jeediyay dhammaan xiriirada kale gedisan ee isboortiga ee isku howlay qabashada tartamada kale gedisan xilli dalka uu kujiro xaalado adag.


Kusimaah Guddoomiyaha Gos Axmed Cabdi Xasan Wataac oo xaflada ka hadlaya ayaa u mahad celiyay kooxihi ka qayb galay tartanka waxuuna masuuliyiinta isboortiag kula drdarmay in loo dhaqaaqo sidi isboortigfa sare loogu qaadi lahaa maadaana oo ka mid ah fanka door muuhiimahna uga jiraq is dhex galka Bulshada.


Ugu dambeyn waxaa xaflada xafldaa soo xeray Guddoomiye Sharafeedka Gos Cabduqadir Gacal Abkoow waxuna sheegay kooxda Booliska Soomaaliyede Heegan ay tahay tirka isboortigha laga soo bilaabo 1943, isboortiga qaybahiisa kale gedisan ay ka qayb qaadato , basle laga doonayo in ay dib u soo noolayso doorkii lagu yaqiin, wauxuna u hambalyeyay kooxda Heegan oo koobka hanatay iyo kooxaha kooxaha tartanka ka qayb qatay.

Ugu dambayn waxaa la bixiyay abaalmarinadii horyaalka.

Heegan koobka kaalinta koowaad.

Horseed koobka kaalinta labaad

Gaaddiak koobka kalinta seddexaad.

laacibada tartanak Muniira Maxamed Cali Horseed,

Gooldhalinta 34 gool Xakiimo Cismaan Cali

Abaal marin gaar ah Caasho taraafiko doorkii wacnayd oo tartanka ka qaadatay.

W/D: XUseen Maxemd Hadaafow

Waaxda warfaafinta GOS.

IMG_9465DSCN0143DSCN0147

DSCN0148

DSC09472DSC09495DSC09503DSC09568DSC09614DSC09649DSC09677DSCN0181DSCN0203IMG_9488IMG_9489IMG_9498IMG_9541IMG_9548DSC09701DSC09707DSC09724DSCN0252

IMG_9685

DSC09748DSC09754DSC09761DSC09770DSC09784DSC09790DSC09807




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.