Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirwaynaha xiriirada kubadad Kolaga Jaamacadda Carabta+Sawirro

0
Saturday November 14, 2015 - 12:35:13 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 2069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirwaynaha xiriirada kubadad Kolaga Jaamacadda Carabta+Sawirro

    Guddoomiyaha Xiriirka Soonmaaliyeed ee kubadda Kolayga Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani ayaa ka qayb galay shirwaynaha xiriika kubadda Kolayga ee wadamda Jaamacadda Carabta oo ka dhacay dalka isutaga Imaaraadka Carabta ( UAE ).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xiriirka Soonmaaliyeed ee kubadda Kolayga Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani ayaa ka qayb galay shirwaynaha xiriika kubadda Kolayga ee wadamda Jaamacadda Carabta oo ka dhacay dalka isutaga Imaaraadka Carabta ( UAE ).

Shirkaan oo ahaa shir aan caadi ahayn waxaa lagu doortay guddoomiye cusub kadib markii gudoomiyihii hore Badri Bin Dalaala Alsacuud oo ka soo jeeday Dalka Sacuudi Carabia uu iska dhigay xilka isaga oo xilkaas hayay in ka badan 10 sano waxaana xilka gudoomiyaha loo doortay Imaciil Abdallla Algargaawi oo u dhashay Dalka Imaaraadka Carabta UAE, sidoo kale waxaan Shirwanaha lagu magaacabay 4 gudoomiye ku xigeen oo kala ah

1-Abdirahman Masci Sacuudi Carabia 2aad-Abdirauuf Bin Daalib Marocco  3-aad Magdi abuu Fariq Egypt (Masar) 4-aad Abdisatar al hadaani Yeman , Halka Xoghayaha uu guud uu ku noqsaday Hanafi Abu Daalib oo dalka Masara u dhashay ah.

 

Guddoomiye Cadaani ayaa intii uu shirka socda kulamo la qaatay madxada xiriirada Marocco,Tunisia ,Oman,Qatar,Kuwayt ,Sacuudi Arabia iyo dalka martida loo ahaa ee UAEwaxuuna guddoomiyaha sheegay in dhamaana ay balan qaadeen in ay gacan ka gaysan doonaan horumarinta kubadda kolayga Soomaliya.

 

Guddoomiye Cadaani ayaa dhanka kale uu la kulanay guddoomiyahaxiriirka kubadda kolayga ee dal Turkiga Harun Erdenay oo dalak UAE ,u yimid daawashada ciyaaraha Naadiyada Jaamacada Carabta waxaana ballan qaaday in ay Xiriirkiisu uu wax ka qaban doonaan dib u dhiska Garoonka kubaddda kolayga ee dalka Soomaaliya , waxaa kale oo guddomiye Cadaani halkaasuu kul kulmay Abdullah Sagaer Sports Academy oo isna guddoomiyaha isla af garteen in uu dalka yimaaddo kadibna qiimeeyo sidii looga furi lahaa Academyadlagu horumarinayo dalka kubadda Kolayga Soomaaliya.

 

Guddoomiye Cadaani ayaa ugu dambayn sheegay in dhamaan kulamdii ay la yeesheen masuuliyiintii kal gedisanaa ay guulo ku dhamaadeen.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta Gos





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.