Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Macalimiin heer caalami ah oo Tababar kubadda laliska ka bilaabay Muqdisho+Sawirro

0
Monday November 16, 2015 - 22:56:31 in Xiriirka Kubadda Laliska by Nocsom Editor
  • Visits: 1607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalimiin heer caalami ah oo Tababar kubadda laliska ka bilaabay Muqdisho+Sawirro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee Gos ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar heer caalami ah uga furay macalimiin cusub oo labarayo xirfada macalinimo ee kubadda Laliska , waxaana xafladii furitaanka kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Was

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee Gos ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar heer caalami ah uga furay macalimiin cusub oo labarayo xirfada macalinimo ee kubadda Laliska , waxaana xafladii furitaanka kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga, guddiga fulinta Gos, xiriirk klubadda Lalista ururka Ciyartoyda Soomaliyeed iyo marti sharaf kale

Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay kusimha xoghayaha Gos Maxamed Xuurshe Xasan Eenow waxuuna sheegay in taabarkan uu ka mid yahay qorsaha Gos ay ku horumarnayso xiriirada iyo gobolada dalka si loo helo macalimiin soo saarta ciyaartoy tayo leh , tababarkana ay qayb ka yihiin macalkimiincusub oo loo tabarayo macalinimo kana socda maamul goboleedyada dalka, waxuuna mahadc celin ballaran u soo jeediyay macalimiinta tababarka bixinaya.

Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Laliska Cabduqaadir Cumar Abuukar ayaa dhankiisa soo dhaweeyay dadaalka ay Gos ku garabtaagan tahay xiriirkiisa waxuuna macalimiinta seminarkan qaadanaya kula dardaarmay in ay ka faa'iidaystaan casharada lagana doonayo in la helo macalimiin ka qayb qaadata horumarka kubadda Laliska.

MacalinGeorge Appaddo oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in marki labaad uu soomaaliya tababarka ka bixinayo muhiimadii koowaadna ay tahay sidii kubadda la liska Soomaaliya u horumarin lahayd isaga iyo saaxibkiisna ay iska kaashaan doonaan waxuuna tilmaamay in uu ku faraxsan yahay in uu mar kale soomaliya soo gaaro.

Gudoomiye Sharafeedka Gos Cabduqaadri Gacal Abkow oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in George Appaddo uu 2007 seminaar dalka ku qabtay xilli xaaladodagaalo dalka kajiran markale uu soo laabtay waxuuna macalimiinta kula dardaarmay in ay ka fa'iidaystaanmacalinka iyo kaliyahiisa.

Kusimaha guddoomiyaha Gos Axmed Cabdi Xasan Wataac oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in macalimiinta caalamka ay lacag ku bixyaan tababarada nuucan ah si xirfadle u noqdaan , basle Gos ay dhaqaalo ku bixisay sidii ay macalimiintaSoomaaliyeed fursad u heli lahaayeen lagana doonayo in ay kasoo dhalaalaamn doorka laga filayo.

Ugu dambeyn waxaa seminarka furay wasiirka ku xigeenka wasaaradda dhalinyarda iyo IsboortigaCusmaan Aadan Dhuuboow , waxuuna ammaan u soo jeediyay guddiga Olombikada Soomaliyeeed oo isu keenay macalinmiin doorna siiyay dhanka maamulka goboleedyada , waxuuna nacallimiinta kula dardaarmay in ay ka faa'idaysataan fursadan qaaliga ah.

Tabarakan oo ay bixinayaa George Appaddo oo dalka Mauritius u udhashay iyo Alamayu Shaotatek oo u dhashay dalka Ethiopia ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya 15 nmacalin waxuuna socon doonaa muddo 12 maalin ah .

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda warfaafinta Gos

Daawo Sawirada:

IMG_1890 IMG_1894 IMG_1896 IMG_1899 IMG_1900 IMG_2095 IMG_2140 IMG_1906 IMG_1908 IMG_1917 IMG_1918 IMG_1919 IMG_1926 IMG_1937 IMG_1962 IMG_1971 IMG_1974 IMG_1980 IMG_2006 IMG_2049 IMG_2069 IMG_2077 IMG_2079 IMG_2090IMG_1890IMG_1894IMG_1896IMG_1899IMG_1900IMG_2195IMG_2189IMG_2178IMG_2146IMG_2143_MG_2210_MG_2220_MG_2228_MG_2253_MG_2256IMG_2114IMG_2125IMG_2126





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.