Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Kooxda Horseed oo ku guulaysatay koobka Jeneraal Daa'uud+Sawirro

0
Thursday December 17, 2015 - 09:01:56 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Horseed oo ku guulaysatay koobka Jeneraal Daa'uud+Sawirro

    Kooxda Kubbadda cagta Horseed ayaa galabta ku guulaystay koobka Jeraal Daa'uud kadib marki ay ka adkaatay kooxda Heegan kulanki ugu horeeyay koobka oo si toos ah loo daawado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Kubbadda cagta Horseed ayaa galabta ku guulaystay koobka Jeraal Daa'uud kadib marki ay ka adkaatay kooxda Heegan kulanki ugu horeeyay koobka oo si toos ah loo daawado.

Cayaartan oo ka dhacday garoonka Banaadir waxaa u soo daawasho tagay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga , Guddiga Olombikada , Madaxda Ciidamada Xooga iyo booliska iyo taageraayaal badan oo garoonka Soo buux dhaafshay .

Kooxda Booliska Heegan ayaa goolka ku hormartay waxaana bilowga hore ee cayaarta u dhaliyay Deeqa cabdullahi Nuur ( Deeq Aaryo), waxaana Horseed goolka ka sukow dhib kale u noqday markii kaarka casaanka laga siiyay Robert Karetithi Meme oo qalad ku galay Mahad Muxudiin Xaaji oo Heegan dhexda uga cayaara waxana qaybat hore lagu kala nastay 1-0.

Marki Laysku soo laabtay Horseed aya soo bandhigtay cayaarmuujinaysa in uusan cayaaryahan ka maqnayn waxaana goolka barbahaha u dhaliyay Caddaani barre Ciise, waxaana goolka labaad oo si qurux badan u dhaliyay Daniel Matengo oo No-9 u qaata Horseed., waxdayna cayaarta kuso gebagebowday 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Horseed.

Marki ay cayaarta soo idlaatay waxaa halkaas lagu la bixiyay abaalmarinada kaalmhamahore . Horseed oo kaalinata koowaad gashay ayaa heshay Shillin soomaali 45,000,000 , Heegan oo kaalinta labad gashay ayaa la siisay Sh. Soomali 25,000,000 . MIlyan

Horseed aya koobkan hanatay 32 sano kadib waxaana marka ay ka qaaday kooxda Jeenyo sanadii 1983 , waana koobkii lixaad ee koobka Jeneraal Daa'uud oo hanato.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta Gos



 

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.