Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka kubadda koleyga Soomaaliya oo tababar dhanka macalimiinta ka furay magaalada Muqdisho+Sawiarro

0
Monday January 04, 2016 - 10:09:43 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka kubadda koleyga Soomaaliya oo tababar dhanka macalimiinta ka furay magaalada Muqdisho+Sawiarro

    Xiriirka Soomaaliyed ee kubada koleyga ayaa magaalada muqdisho ka furay tababar ay ka qayb galayaan macalimiinta kubadda koleyga, waxaana xafladda furitaanka kasoo qayb galay masuuliyiin Ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed , Madaxda Xiriirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyed ee kubada koleyga ayaa magaalada muqdisho ka furay tababar ay ka qayb galayaan macalimiinta kubadda koleyga, waxaana xafladda furitaanka kasoo qayb galay masuuliyiin Ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed , Madaxda Xiriirka kubadad koleyga iyo Marti sharaf kale .

Tababarkan oo ka furmay xarunta Gos waxaa ugu Horeynka hadlay Guddoomiyaha XSKK Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani Waxuuna sheegay in tababarkan ay ka qayb qaadanayaan macalimiin laga soo xulay cayaartooyda cuslaatay , kuwa hada xirafada kuguda jira iyo Ardayda Jaamacaha wax ka barata isla markaanauu bixinayo Macalin Cumar Cabduqaadir Baarajab .

Guddoomiye Cadaani ayaa intaa ku daray in tababarka loogu diyaar garoobayo tababar heerka koowaad ah oo sanadkan gudahiias xirirka qaban doono isla markaana ay kasoo qayb qaadan doonaan macalimiin ka socota gobolada dalka, Waxuuna Mahad celin balaaran u soo jeediyay Macalin Baarajab isagoo macalimiintakula dardaarmay in ay ka faa'iidaystaanMacalinka maadaama uu tababrka afkii hooyo lagu bixinayo taasna ay guul tahay.

Madaxa Amuuraha Gobolada Gos IBraahin Xuseen Cali Roombe horeyna u soo noqday guddoomiyaha XSKK oo goobta ka hadlay ayaa amaanay dadaalka xirirka iyo Macalin Baarajab ay ku doonayaan in ay xoogga saaraan tababarka macalimiinta oo ah halka ay kasoo bixi karaan macaliin soo saarta cayaartooy wanaagsan.

Macalin Baarajab ooxaflada ka hadlay ayaa sheegay in dalka uu xaq ku leeyahay talaabo kasta lagu horumarinayo kubada koleyga soomaliyeedna uu diyaar u yahay in uuka qayb qaato.

Macalin Baarajab ayaa dhanka kale sheegay in qorshahiisa kaliya aysan ahayn hal tababar uuna diyaariyay qorshe 2016- ilaa 2020 oo dhanka tababarka macalamiinta kubadda koleya uuna ku rajo weyn yahay inuu dhaqan geli doono.

Guddoomiyaha Gos Cabdulaahi Axmed Tarabi oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in barisamaadki aykubabdda koleyga ku hormartayisku xirnaan wadatashi iyo kala faa'iidaysasho ka dhexaysay macalimiinta garsoorka iyo cayaartoodya taasna loo baahan yahay in dib loo soo celiyo , macaliinta tababarka qaadanayo laga doonayo in ay gartaan in masuuliyad culus ay saaran tahay.

Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale amaan usoo jeediyay Madaxda Xiriirka oo waqti geliyay horumarinta kubadda koleyga qaybaheeda kale gedisan iyo Macalin Baarajab oogo'aansaday in aqoontiisa dalka dib uu soo celiyo.

Ugu dambeyn waxaa xaflada ka hadlay oo tababarka furay Guddoomiye sharafeedka Gos Cabduqaadir Ibraahin acan Abkoow waxuuna si qooto dheer uga sheekeeyay taariikhdii ay soo martay kubadda koleyga iyo qabkii ay ku hormartay waxuuna xiriirkakula dardaamay inay soo celiyaan taariikhdii wacnayd ee kubadda koleyga ku lahayd qaaradda afrika.

Tabarkan oo ay ka qayb qaadanayaan 35 macalin ayaa socon doona muddo 5 maalin ah waxayna macalimiinta qaadan doonaan xirfadaha kusoo kordhay kubadda koleyga oo cashar ahaan loo bari doono iyo tababar uu macalinka ku bixinayo garoonka Wiish oo qaab ficil ah loo barayo.

 

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

DSC09488IMG_9548 IMG_9581 DSC09498IMG_9640IMG_9658IMG_9686IMG_9745IMG_9832IMG_9855IMG_9853IMG_9899IMG_9876IMG_9899

IMG_9947IMG_9955

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.