Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xaflad lagu weynaynayo guushii Soomaliya kasoo hoysay Abaalmarinadii Caf oo muqdisho lagu qabatay +Sawirro

0
Tuesday January 19, 2016 - 11:51:23 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaflad lagu weynaynayo guushii Soomaliya kasoo hoysay Abaalmarinadii Caf oo muqdisho lagu qabatay +Sawirro

    Xafladan oo lagua weynaynayay guushii Xiriirka kubada caga umadda Soomaaliyeed uga soo hoyay abaalmarinadii Caf ee hoganka ugu wanaagsan qaradda Afrika ayaa ka dhacday magaalada muqdisho waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Taliyaha ciidan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladan oo lagua weynaynayay guushii Xiriirka kubada caga umadda Soomaaliyeed uga soo hoyay abaalmarinadii Caf ee hoganka ugu wanaagsan qaradda Afrika ayaa ka dhacday magaalada muqdisho waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Taliyaha ciidanka Asluubta, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Xiriirka kubada cagta, Madaxda Xiriirada, madaxda naadiyada kubada cagta, ururada isboortiga , bahdii hore ee isboortiga oo isgujira Madax, Mcalimiin , Cayaartooy, Garsoorayaal iyo Taageraayaal.



Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay Xoghayaha Guud ee XSKC Xasan Maxamed Maxamuud Fareey, waxuu sheegay in xafadan loo qabtay soo dhaweynta guushii xiriirka ee xafladii abaalmarinta ee xaflad ka dhacday Magaalada Abuja ee dalka Nigeria Guddoomiyaha XSKC Cabdiqani Saciid carab loogu doortay hogaamiyaaha Sanadka 2015 kubadda cagta Qaaradda waxuuna marti sharafka kusoo dhaweeyay xafladda isagoo uga mahad celiyay ka qayb galkooda.

Sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay EX Guddoomiye Ku xigeen XSKC Cabdi Cadde , EX Garsoore heer caalami Farqajaan , EX Cayaaryahana Horseed , Maxamuud Killer, Gudoomiyaha Naadiga Banaadir SC Abuukar Maxamed Shiikh, Guddoomiyaha Naadiga DGB Bashiir DHeere ayaa dhamaan si faxadi kujirto u soo dhaweeyay Guusha Taariikhiga ee XSKC kasoo hoyay CAF marki Guddoomye Cabdiqani Saciid Carab loo doortay hogaanka ugu wanaagsan qaaradda Afrika waxayna ugu baaqeen in xiriirka dadalka halkiisa kasii wado ,iyaguna ay garab ka gaysan doonaana horumarka xiriirka ku tallaabsanayo waxayna ka mahad celiyeen casuumaada loo fidiyay.

Guddoomiye Sharafeedak Gos , EX Guddoomiyihi hore ee Gos Cabduqaadir Gacal Abkow oo xaflda kahadlay ayaa ada ugy dheeraaday ka sheekaynta taariikhda isboortiga dalka iyo heerarkii ay soo martay iyo dadkii heerkan soo garsiiyay ,waxuu tilmaamay in guushan lagu gaaray isku duubnaan nala doonayo in markasta lagu dadaalo midnaanta si loo hiigsado heerkan mid ka sareeya.

Guddoomiye Ku xgeenka XSKC Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in guushan xiriirka gaari lahayn haddii uusan garab ka heli heelen qaybaha kale gedisan ee kubada cagta xiriirka, waxxuu intaa kudaray in xirirka uu dhawaan maamulada isboortiga dalka u qabtay tababar aqoontodoa sare loogu qaadanyo taana ay qayb ka tahay qorshaha horumarinta kubada cagta lagu horumarinayo gobolda dalka siay u qaataan doorka horumarka kubada cagta.

Guddoomiye Guddiga Olombikda Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi oo xaflada ka hadlay ayaa u hamblayeeyay XSKC waxuuna sheegay in guul ay tahay in XSKC uu 54 dal kaalinta koowaad kasoo galo, iyo guushii Cecafa ee Cabdiqani guddoomiye ku xigeen loogu doortay taasna ah guul Umadda Soomalyeed usoo hoyatay.

Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale tilmaamay in la gaaro guul dhanka xulalka qaranka ah ay u baahan tahay in helo doorka dowladda sida daowladaha caalamka ay isboortigooda uga caawiyaan tiirarka aasaasiga ee horumarinta sida , dhaqaalaha Aaroomada , Aqoonta , Caafimaadkaa , Tababarka Xeraynta Xulalka si ay diyaar garow fiican u helaan

Taliyaha Cidaanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo gaas Bashiir Maxamed Jaamac horeyna u soo noqday Garsoore heer caalami, ayaa sheegay guushan usoo hoyatay dhamaan umada Soomaaliyeed xiriirkina u ammaan usoo jeedinayo kaalinta uu kaatay in guushaas la gaaro iyadoo aysan wax garab ah uu ka helo dowlada , Taliyaha ayaa sidoo kale tilmamay in loo bahan in xiriirka uu kubada cagta ku baahiyo gobolda dalka lana arko kulamo loo cayaaro gobol ka gobolka .

Ugu dambayn waxaa goobta ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka Cecafa Ahna Guddoomiyaha Xiriirka Somaaliyeed ee kubada cagta Cabdiqani Saciid Carab waxuuna sheegay in guushan qaaliga ee dhamaan umadda Soomaaliyeed u dabaal dagayso aysan ku imaan waxqabadka sanadka 2015,basle ay ka timid dadaalkii ay sameeyeen madaxdii isaga ka horeysay oo ku dadaalay in isboortia Soomaaliyeed taagnaado xilli dowladii dalka ay burburtay, iyo waxaqabdka Naadiyda, ururuada taageerayaasha iyo Saxaafada oo la’aanted aysan dunida gaareen waxqabadka xiriika.

Cabdaiqani ayaa sidoo kale tilmaamay in Guusha Soomaaliya aysan hadda bilaaban waxuuna xusay in Alle ha unaxiiste Faarax Sendiko uu guddoomiyaha garsoorka Afrika ahaa 1983-ilaa 2003, sidoo kale, Guddoomiyaaha Cecafa iyo Guddoomiye kuxigeenka Caf soo noqday, waxuu intaa kudaray in xirirka uu qaban doono shir sanadle oo ay ku kulmi doonaan bahda isboortiga dalka si ay uga qayb qaataan horuamrka isboortiga dalka gaar ahaan kubada cagta waxuuna ugu dambayn mahad celin usoo jeediyay marti sharafta kasoo qayb gashay xaflada si ay xiriirka ula wadaagaan farxadan taariikhiga .

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

WaaxdaWarfaafinta Gos


Daawo Sawiradda:

IMG_8042IMG_8051IMG_8087IMG_8098IMG_8163IMG_8177IMG_8204IMG_8206IMG_8215IMG_8378 IMG_8087 IMG_8098IMG_7993IMG_8004IMG_8008IMG_8012IMG_8024IMG_8026IMG_8027IMG_8029

 

IMG_8243

IMG_8262

IMG_8297

IMG_8314IMG_8341_MG_8388IMG_8420IMG_8442



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.