Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Heegan oo wacdaro ku dhigtay Dekedda +Sawirro

0 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heegan oo wacdaro ku dhigtay Dekedda +Sawirro

    (Kubadbile)- Kooxaha kubada Koleyga Heegan iyo Dekedda ayaa ku kulmay garoonka Wiish kulanki 21 ee wareegga hore horyaalka kubadda Koleyga 2015-16.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Kubadbile)- Kooxaha kubada Koleyga Heegan iyo Dekedda ayaa ku kulmay garoonka Wiish kulanki 21 ee wareegga hore horyaalka kubadda Koleyga 2015-16.


Kulanka oo labada kooxu ahaa kulanki shanaad ee horyaalka waxaa u soo daawasho tagay dadweynihii ugu badnaa horyaalka soo xaadira waxaana ka mid ah masuuliyiin , cayaartooy garsooriyo taageerayaasha labada koox.

Heegan oo horyaalka difaacanaysa iyo Dekedda oo baadigoob ug jirta in ay hanato horyaalka ayaa soo bandhigay cayaar wanaagsan oo ay ka maqsuudeen dadweynihi u soo daawasho tagay waxaaana loolanka xaga bandhiga uu dhex maray Siid Cali Kuukaay iyo Cabdirisaaq Mandella oo dekedda ah iyo Cali Baraawiini iyo Cabdifitax Buukaale oo dhanka Heegan waxaana qaybta hore lagu kala nastay 37 -30 ay hogaanka ku hayso kooxda Heegan.

Marki laysku soo laabtay Heegan ayaa 10 sedexaaddheeraysatay hogaanka cayaarta, , basle 10-ki ugu dambeeyay ayay aad isu dhawaayeen labada koox waxaana ugu dambayan ay cayaarta kusoo idlaatay 73-60oo ay Heegan dhigeeda kaga adkaatay 6 jeesto iyo Personal.

Faahfaahinta dheeri ah.

afarta qayb ee ciyaarta loo ciyaro oo ah min 10 daqiiqo qaabkan ayay labada koox u kal heleen dhibcaha

Heegan iyo Dekedda

1- 17 - 15

2- 20- 15

3- 16- 11

4- 20- 19

Badhiga gool dhalintaciyaarta waxaa loo kala dhaliyay sidatan.

1-Cabdifitaax Maxamed Macoow ( Buukaale ) No.8 Heegan, ayaa dhaliyay dhibicii ugu badnaa kulanka16 jeesto iyo Personal oo u dhiganta 33 dhibcood.

2- Waxaa kusoo xigay Cali Maxamed Aadan(Baraawiini) No 7 Heeganwaxuu dhaliyay 12 jeesto oo u dhigantya 24 dhibcood.

3- Siid Cali Axmed Kuukaay No 10Dekedda waxuu dhaliyay 11 jeesto oo u dhiganta 22 dhibcood

4-Cabdirisaaq Axmed Dable Mandella No, 11 Dekedda waxuu dhaliyay 9 jeesto iyo personal oo u dhiganta 19 dhibcood.

Kulanka waxaa garsoore ka ahaa Sakariye Macalin Nuur iyo Axmed Cabdullahi Faarax Baroodo.




W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

IMG_2734Daawo Sawiradda:

IMG_2796 IMG_2807IMG_2675IMG_2679IMG_2681IMG_2684IMG_2699IMG_2703IMG_2711IMG_2712IMG_2723IMG_2734IMG_2736IMG_2747IMG_2765IMG_2768IMG_2777IMG_2780IMG_2688_MG_2997_MG_3008_MG_3011_MG_3013


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.