Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xogahayah GOS oo booqday Xarunta Olmpikada Turkiga

0
Monday March 07, 2016 - 22:38:30 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 2259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogahayah GOS oo booqday Xarunta Olmpikada Turkiga

    (Nocsom) Xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed mudane Duran Axmed Farax ayaa booqasho ku tagay xarunta guddiga olombikada Dalka Turkiga oo ku taala magaalada Stanbul ee dalkaasi Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Nocsom) Xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed mudane Duran Axmed Farax ayaa booqasho ku tagay xarunta guddiga olombikada Dalka Turkiga oo ku taala magaalada Stanbul ee dalkaasi Turkiga.

Xogahayaha oo ay booqashada ku wehliyeen dhalinyarao laga soo xulay uruurada dhalinyarda soomaaliyeed ee maamulada kala gedisan ee dalka ayaa waxaa soo dhaweeyay xoghayaha guud ee Olmypicada Dalka Turkiga Ms Neşe Gündoğan waxaana lagu soo wareejiyey qaybaha kala gedisan ee xarunta iyo madxafka uu leeyahay OLmpicada Turkiga kaasoo ah guddi aad u fac wayn oo la aas aasay sanadkii 1908 dii isla markaana looga sheekeeyey guulihii taariikhiga ahaa ee uu gaaray Guddiga Olimbikada Turkigu.



 

Kormeerkaasi iyo isbarashadii kadib xoghayaha GOS waxa uu kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga l MsNeşe Gündoğan oo ay ka wada hadleen sidii ay labada dal isaga kaashsan lahaayeen mashuucyada horumarinta iyo in Turkigu Soomaliya ka caawiyo tababarada dhanka maamulka isboortiga si loo helo dad xirfad wanaagsan u leh maamulidda cayaaraha ee gobolada dalka.

 

Dhalinyaradaxogahayha ku wehlisay booqashadaoo dalka Turkiga kaga qayb galay shirka loogu magacdaray Hight Level Patnership Forum, oo aan waxba kala socon xaalada ay ku shaqeyso GOS iyo waxqabadkooda intaba ayaa aad ula dhacay dadaalka ay GOS ka wado gudaha dalkawaxayna sameeyeen ballanqaad ay uga qayb qaadayaan horumarinta isboortiga soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay awoodaan.

 

Dalka Turkiga ayaa soomaaliya ku leh saameyn balaaran waxuuna ka fuliyay mashruucyo aad u fara badan iyadoo madaxweynaha dalka Turkiga kolkii uu Soomaaliya soo booqday ballan qaadyadii uu sameeyay ay horumarinta dhalinyarada iyo cayaaruhu ku lahaayeen mdunaan gooni ah isla markaana ay booqashada xoghayuhu ka tarjumayso sidii dhalinyaradu uga faaiidaysan lahayd mashruucyadaasi oo kaalimo xoogan ka geli kara horumarka cayaaraha dalka.

Waaxda warfaafinta Gos

Info@nocsom.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.