Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Olomibkada Soomaaliyeed ka jawaabay Ciyaartooy Been ABuur ah oo dalka dibadiisa u socday+Sawirro

0
Saturday May 21, 2016 - 12:59:08 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Olomibkada Soomaaliyeed ka jawaabay Ciyaartooy Been ABuur ah oo dalka dibadiisa u socday+Sawirro

    Guddiga Olomibika Soomaaliyeed ayaa xafiiska uu magaalada muqdishoku leeyahay ku qabtay shir Jaraa'id uu uga jawaab celinayo warbixin ay soo gasriisay waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda fedaraalka Somaaliya taasoo aheyd in garoonka di

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olomibika Soomaaliyeed ayaa xafiiska uu magaalada muqdishoku leeyahay ku qabtay shir Jaraa'id uu uga jawaab celinayo warbixin ay soo gasriisay waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda fedaraalka Somaaliya taasoo aheyd in garoonka diyaarada Aaden lagu qabtay dhalinyaro sheeganaysa in ay dalka Masar ciyaaro uga qayb galayaan.


Shirka jaraa'idoo Gos ay ku cadeyneysay waxa ay ka ogtahay waxaa ugu horeyn ka hadlay Ibraahim Xuseen Cali Roombo oo ka tirsan Guddiga Fulinta Gos waxuuna yiri" ugu horeyn Gos waxay Waaxda Socdaalak uga mahad celineysaa wadashaqeynta wanaagsan ay la leedahay Gos iyo Xiriiradeeda marka xiga waxay Gos Cadeyneysaa in aysan jirin ciyaartoy dalka Masar ciyaaro uga qayb galaya oo ay ka warhayaan.



Roombo ayaa dhankale sheegay in marka ay ciyaartoy Soomaliyeed dalka dibadda u aadayaan ay maraaan nidaamka saxda oo ah in haddii xiriir safar uu aadayo uu warqad ogeysiin ah uu soo gaarsiiyo Guddiga Olombikada , Wasaaradda dhalinyara iyo isboortiga iyo Waaxda Socdaalka , qoraal aan nidaamkaas waafaqsanayna uusan ahayn mid sax ah isla markaana Gos iyo xiriiradeeda aysan ka warqabin ciyaartoyda dalka ka baxeysa safar ciyaarna dalka Masar u aadeysa warkaasna uu been yahay.


Xaaji Maxamed Axmed Colow oo ka tirsan guddiga Fulinta Gos oo isa ka hadlay Shirka Jaraa'id ayaa yiri " Guddiga Olombikada Soomaaliyeed waxuu markasta kasoo horjeeda nuuc kasta oo safarada sharcidarada ah waxaan markasata diyaar u nahay wadashaqeynta waaxda socdaalka si looga hortago arimaha nuucaan ah oo dhalinyarada lagu marin habaabinayo islmarkaana naftoodoa iyo maalkooda qatar lagu gelinayo,

waxayna Gos ka shaqeyneysaasidii dhalinayarada soomaaliyeed loogu abuuri lahaa fursado wanaagsan si looga ilaaliyo ficilada xun xun., sida tiyo  waxkasta oo qatar ku ah noloshooda oo Tahriibka uu qeyb ka yahay.

 

Waaxda Warfaafinta Gos

Info@nocsom.com

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2025     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.