Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Soomaaliya oo guul kasoo hoysay tartanka Kubadda Gacanta IHF Chaleng Trophy +Sawirro

0
Monday August 29, 2016 - 10:20:48 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Nocsom Editor
  • Visits: 1491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo guul kasoo hoysay tartanka Kubadda Gacanta IHF Chaleng Trophy +Sawirro

    Xulka qaranka Kubada Gacanta Soomaaliya oo isggu jira Wiilal iyo gabdho ayaa kaalin wanaagsan kasoo galay tartanka kubadda Gacanta IHF Challenge Trophy 2016 eelagu qabtay dalka Djabouti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka Kubada Gacanta Soomaaliya oo isggu jira Wiilal iyo gabdho ayaa kaalin wanaagsan kasoo galay tartanka kubadda Gacanta IHF Challenge Trophy 2016 eelagu qabtay dalka Djabouti



Tartanka oo ay ka qeybgalayeen Wadamaada Soonka Shanaad ee Bariga Afrika oo kala ah Soomaliya Djabouti ,Ethiopia iyo Sudan ayaa bilowday 23 Bishan agoosto waxaana lasoo gebagabeeyay 26 bishan.


Wiilasha Soomaaliya ayaa afar kulan ka c iyaaray tartanka, Kulanka koowad waxaa ka adkatay Djabouti o o tartanka marti gelineysay , Kulanka labaad waxay guul ka gaareen Sudan, halka kulanka Saddexad ay guuldaro kala kulmeen Ethiopia.



Wiilasha Soomaaliya ayaamar kale guul ka gaaray Sudan kulanka loogu tartamayay Billadda Marta ee tartanka, waxayna sidaa ku xaqiijiyeenkaalinta saddexaad iyo Billaada maarta, halka kaalinta koowaad ay heshay Ethiopia Biladda Dahabka , Qalinka ay ku guuleysteen Wiilasha Djabouti. Afaraadna ay ku dhammeysteen.


Dhanka Xulka Gabdhahawaxay guul ka heleen Sudan laba jeer halka ay guuladaro kala kulmeen Djabouti iyo Ethiopia, waxaana tartanka dhanka Gabdhaha kaalinta koowad galay Ethiopia, labaad Djabouti ,Saddexaad Soomaaliya, kaalinta afaraadna ay xaadireen Gabdhaha Sudan.


Dhanka kale Guddiga Tartanka ayaa Soomaaliya ku ammaanay ciyaar wanaagan, asluub wanaaga iyo xagga garsoorka oo ay Billado kasoo hoyeen kadib bandhigii wanaagsaa waxayna guddiga Tartanka sidoo kale ku amaaneen qaabkii ay tartanka ugu soo diyaargaroobeen iyo horumarka gubada gacanta Soomaaliya sameyneyso waxayan sidoo kale noqdeen xulkii ugu labiska wacanaa waxana halkas lagu guddoonsiiyay abaalmarino gaar ah.


Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Gacanta Soomaaliya Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow ayaa mahad celin balaaranusoo jeediyay Safaarada Soomaaliya ee Djabouti oo garab taagneyd inta uu tartanka socday Xiriirka kubadda gacanta Djabouti iyo Dowladda Djabouti oo soo Dhaweyn iyo walaaltinimo u muujiyay inta uu tartanka socday.


Guddoomiye Eenoow ayaa dhanka kale u mahad celinyay macalimiinta,ciyaartodya Xulka qaranka iyo garsoorka kubadda Gacanta Soomaaliya Bandhigii wacnaa ee ay tartanka kasoo muujiyeen iyo asluubkii wanaagsanaa ee Soomaaliya lagu amaanay, waxuuna ka dalbaday in ay halkooda kasii adan xiriirkuna uu taageero joota la garab taagnaan doono.


 

Tartankan ayaa soo bilwoday 2004 waxayna soomaaliya marki ugu horeysay ka qeyb gashay 2009, waana sanadki lixaad oo ay ka qeybgasho.



 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.