Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Shirweynaha Anoc oo ka furmay Dalka Qatar iyo Soomaaliya oo ka qeyb gashay

0
Tuesday November 15, 2016 - 22:30:12 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 3746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Shirweynaha Anoc oo ka furmay Dalka Qatar iyo Soomaaliya oo ka qeyb gashay

    Waxaa magaalada Doha ee caasimadda Dalka Qatar maanta ka furmay SHirweynaha Ururka Guddiga Olombikada wadamada Caalamka ,Association of National Olympic Commutees ( ANOC), waxaana Soomaaliya Uga Qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Doha ee caasimadda Dalka Qatar maanta ka furmay SHirweynaha Ururka Guddiga Olombikada wadamada Caalamka ,Association of National Olympic Commutees ( ANOC), waxaana Soomaaliya Uga Qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi.


Shirkan oo ahaa kii ugu ballaarnaa ee qaaradda Asia ka dhaca waxaa kasoo qeyb galay  Guddoomiyaha IOC Thomas Bach, Ra'iisul Wasaaraha Qatar Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani , Madaxda Guddiyaada Olombikada 206 dal, Xiriirada Caalamiga,continental Olympic associations iyo Wafdi gaaraya 600 qof.


Guddoomiyaha GOS Mudane Tarabi oo la hadlay Waaxda warfaafinta Gos ayaa sheegay in shirkan uu socon doono mudo laba maalin isla markaana looga hadli doono waxyaabihii u qabsoomay sanadkan iyo qorsha xiga ee horumarinta , ka doodida qabashada ciyaaraha Xagaaga (Winter Olpmpica) iyo Magaalooyinka u tartami doono ciyaaraha Olombikadda Adduunka 2024.



Guddoomiye Tarabi ayaa  dhanka kale sheegay in Soomaaliya Xooga saari doonto sidii IOC iyo Xiriirkada kale ee caalamiga door uga qaadan lahaayeen horumarka Isboortiga Soomaaliya.



 Waaxda Warfaafinta GOS
 Info@nocsom.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.