Madaxweynaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Abdullahi Ahmed Tarabi, ayaa ka helay Farriin rajo muujin fiican ah iyo farxad kusoo dhoweynta dib u doorashadiisa Madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Olombikada Adduunka, Mr. Thomas Bach, oo u dajeeyay ninka Sportiga Somalia u sarreeya ee dib loo doortay in uu guul ku dhammeysan doono howshiisa xafiiskan.
"Farxadbey ii tahay in
aan kula wadaago qoraalkeyga oo aan uga hadlayo sida aan qalbiga uga dareemayo
in dib laguu doortay, 7 January 2017 oo mar kale aad noqotay madaxweynaha
Somali Olympic Committee. Anigoo metelaya IOC, waxaa kuu rajeynayaa mustaqbal
wanaagsan oo guuleysta iyo in aad horumariso howlaha Olombikada ee Dalkaas, Danaha
Sportiga iyo ficilladiisa” waxaa lagu qoray farriinta Hambalyada ah oo lasoo
muujiyay 26-ka January.
Farriintiisa, wuxuu
madaxweynaha IOC, Mr. Thomas Bach, wuxuu ku ballan qaaday madaxa Guddiga
Olombikada Adduunku in in ay kasii shaqeyn doonaan caawinaadda guddiga Somali
NOC oo laga caawinayo in dalku yeesho Sport kobcaya.
"Guddiga Caalamiga ah
ee Olombikadu wuxuu indhaha ku hayaa sii socoshada kobaca Howlaha Olombikada ee
ka socda Somalia. Had iyo goor, waad ku xisaabtami kartaan taageerada IOC ee
buuxda, waxaadna caawinaad walba oo ay u baahan kala xaajoon kartaa Golahaan, fulinta
halkan ayaan u joognaa Qiyamka iyo Mabaadii’da oo ay xukumaan Guddiga
Olombikadu” IOC madaxeeda, Mr. Thomas Bach ayaa farriintiisa Hambalyada sii
raaciyay.
Nocosom Media Department
Info@nocsom.com
Madaxweynaha IOC oo ugu Hambalyeeyay guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed dib u doorashadiisa
Madaxweynaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Abdullahi Ahmed Tarabi, ayaa ka helay Farriin rajo muujin fiican ah iyo farxad kusoo dhoweynta dib u doorashadiisa Madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Olombikada Adduunka, Mr. Thomas Bach, oo u dajeeyay ninka