Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Maxamed Xaaji Cali oo loo doortay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaliyeed kubadda Miiska+Sawirro

0
Wednesday February 01, 2017 - 09:00:40 in Xiriirka Kubadda Miiska by Nocsom Editor
  • Visits: 1564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Xaaji Cali oo loo doortay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaliyeed kubadda Miiska+Sawirro

    Shirwaynaha 12 Xirirka Soomaaliyeed ee kubadda Miiska kaasoo lagu dooranayay hogaanka cusub ee afarta sano ee socota ee xiriirkaas a ayaa maanta ka dhacay xarunta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho, waxaa kasoo qeyb gala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirwaynaha 12 Xirirka Soomaaliyeed ee kubadda Miiska kaasoo lagu dooranayay hogaanka cusub ee afarta sano ee socota ee xiriirkaas a ayaa maanta ka dhacay xarunta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho, waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay wasaardda dhalinyarada iyo Isboortiga ,Guddiga Ololmbikada Soomaaliyeed, Madaxda xiriirada kale gedisan, Musharaxiinta u taagan xiriirkaas, kooxda u diiwaan gasahan xiriirka iyo marti sharaf kale.



Ugu horeyn waxaa halkaas kahadlay Guddoomiye guddiga dooarashada Maxamed Aadan Jeele isla markana ah garsoore hore oo heer caalami . waxuuna shirwaynaha usoo gudbiyay Mushaaxriinta u taagan xilal lagu loolamay , waxayna 11 Naadi ee xiriirkas Cod gacan taag ugu codeeyay16 Xubnood uu ka koobaan doona guddiga Fulinta Xiriirkaas.

Waxaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeedee kubada Miiskaloo doortay Guddoomiye Xugeenki hore eXiriirada kubadda Miiska iyoKubada Koleyga Isla markaana ahaa Gasoore heer caalamioo Koleyga Maxamed XaajiCali Jimcaale.



Halka Guddoomiye Xigeenada loo kala doortay Cabdullahi Ciise Cali1-aad, Cabdi Jaamac Faarax, 2-aad Cali Maxamed Maxamud, 3-aad halka Cabdullaahi Bariise Xuseen loo doortay inuu noqdo. Xoghayah Guud ee xiriirkaas.


dhanka kale waxaa guddoomiye sharafeed loo doortay guddoomiye hore ee xiriirka Mire Shiikh Cumar.


Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarda iyo Isboortiga Cabbullaahi Aabow Xuseen oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay doorashada iyo qaabka ay u dhacday waxuuna yiriwaxuuna tilmamay in wasaradu la shaqeyn doonta.


Maxamed Qaliif Macruuf oo ku hadlay magaca kooxaha ayaa soo dhaweeyay hogaanka cusub xiriirkaas waxuuna sheegay in hogaanka cusub ay ka sugayaanwax qbad muuqda.


Guddoomiye Sharafeedka Guddiga Olombikada Soomaliyeed Cabdulqaadir IBraahin Gacan Abkow oo kamdi ahGuddiiihore horeeyay ee xiriikan lagu aasaay 1972 ayaa oo goobta ka hdalay ayaa u hambalyeeyay . masuuliyiinta la doortay waxuuna kula dardaarmay in ay soo nooleeyan taariikhdii xiriirkan ku laha ciyaaraha dalka iyo dibadda.


Gebabadaii waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Cusub ee Xiriirka Soomaaliyeed kubadda Miiska kaasoo inti u dhaxeysay 1985 ilaa 88 guddoomiye ku xigeen xiriirkan kasoo noqday Maxamed Xaaji Cali, waxunua sheegay insare u qadi doono Ciyaaraha Kubadda miiska isla markaana uu kasoo billaabi doono heerka Iskuulada si loohelo ciyaartoy tayo leh oo muqtaqbal ku yeesha xulka qaranka Soomaaliya soona celiyo guulihii dalka dibadiisa ka gaari jiray.

 Waaxda Warfaafinta GOS

info@nocsom.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.