Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Shirweynihii 7-aad ee doorashada xiriirka soomaaliyeed ee kubadda gacanta oo magaalada Muqdisho lagu qabtay +Sawirro

0
Tuesday March 21, 2017 - 09:08:52 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Nocsom Editor
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynihii 7-aad ee doorashada xiriirka soomaaliyeed ee kubadda gacanta oo magaalada Muqdisho lagu qabtay +Sawirro

    Shirweynahan oo si weyn loo soo agaasimay isla markaana ula jeedkiisu ahaa in lagu doorto hogaanka cusub ee afarta sano ee soo socata hogaamin doona xiriirka soomaaliyeed ee kubadda gacanta ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimaha guud ee wasaarada dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynahan oo si weyn loo soo agaasimay isla markaana ula jeedkiisu ahaa in lagu doorto hogaanka cusub ee afarta sano ee soo socata hogaamin doona xiriirka soomaaliyeed ee kubadda gacanta ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo sportiga Agaasimaha waaxda maaliyada ee wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha masuuliyiin ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed qaar kamida xiriirada sporti ee dalka ka jira kooxaha u diiwaan Gashan xiriirka soomaliyeed ee kubadda Gacanta qubaro sporti iyo marti sharaf kale.



 

inta aan la gudo gelin doorashada ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay waxyaabaha 4-tii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay xiriirka,waxaana saxaafada warbixin kooban u aqriyey gudoomiyaha uu waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Xuurshe xasan Eenow kaas oo dhinaca kale isla xilligaasi ahaa musharaxa keliya ee u taagan qabashada xilka gudoomiyanimo ee xiriirka soomaaliyeed ee kubadda gacanta.



-Ibraahim Xuseen Cali [Roombo] oo kasocdey guddiga Olombikada Soomaaliyed isla markaana ahaa gudoomiyaha guddiga doorashada ayaa madasha ka aqriyey magacyada xubnaha ka socday kooxaha codkooda dhiibanayey ee u diiwaan gashan xirrirka soomaliyeed ee kubadda Gacnta.


 

 

Intaas kadib xubnahii ka socday lixda kooxood ee u diiwaan Gashan xiriirka kubadda gacanta ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay dhamman xubnahii musharixiinta ahaa maadama aysan jirin cid kale oo tartan la gashay.


Kadib doorashada waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha la doortay ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda gacanta Maxamed Xuurshe xasan Eenow kaas oo u mahadceliyey dhamman kooxihii doortay, waxuuna tilmaamay in afarta sano ee soo socota uu xiriirka xooga saari doono tartanada kubada Gacanta Aasaasiga isla markaana uu doonayo in kooxaha ay gacan ka geystaan dadaalka horumarineed.


Dhinaca kale Agaasimaha waaxda maaliyada ee wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Abuu cali shiiq oo isna goobta ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ( Bogaadiyey ) masuuliyiinta cusub ee la doortay, waxuusha tibaxay in Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ay kaainteeda ka qaadan doonto horumarinta kubadda Gacanta.


Gaba gabadii waxaa Shirweynihii 7-aad ee xiriirka soomaaliyeed ee kubadda gacanta soo xiray Madaxa Arimaha xiriirka GOS Xaaji Maxamed Axmed Colow waxuuna sheegay in GOS ay soo dhaweyneyso doorashada hogaanka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Gacnata, wuxuuna kooxaha kubadda gacanta ugu baaqay iney la shaqeeyeen masuuliyiinta ay doorteyn.



Halkan ka aqriso hogaanka Cusub ee XSKG

Masuuliyiinta la doortay waxayna kala yihiin:-

1-Maxamed Xuurshe Xasan Eenow -Gudoomiye

2- C/salaam Axmed Guuleed G/K/X /1aad.

3- Maxamed C/laahi Cali - K/X/2-aad

4-Shamso C/dulle Maxamuud G/K/3-aad

5-Nuur Maye Cismaan - Xoghaye

6- Geediyo Cali Abshir -xubin

7- Maxed Maxamuud Cali Burci -Xubin

8- C/raxiin suufi karaama xubin



 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.