Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka Soomaaliyeed ee Tennis-ka dheer oo hogaan cusub doortay +Sawirro

0
Sunday March 26, 2017 - 13:45:25 in Xiriirka Teeniska Dheer by Nocsom Editor
  • Visits: 1406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Soomaaliyeed ee Tennis-ka dheer oo hogaan cusub doortay +Sawirro

    Shirweynihii 5-aad ee doorashada xiriirka soomaaliyeed ee Tennis-ka dheer ayaa maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynihii 5-aad ee doorashada xiriirka soomaaliyeed ee Tennis-ka dheer ayaa maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho.


Munaasabadan oo ula jeedkeedu ahaa dib u howl gelinta xiriirka soomaaliyeed ee Tennis-ka dheer oo muddo saaxadaha Sportiga ka maqnaa ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimaha guud iyo Agaasimaha waaxda maaliyada ee wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha, wasiirka sportiga ee maamulka Hir- Shabelle, guddomiyaha Sportiga gobolka Banaadir, masuuliyiin ka tirsan Gudiga Olombikada Soomaaliyeed, qaar kamida xiriirada sporti ee dalka ka jira, qubaro sporti iyo marti sharaf kale.


 

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay kaaliyaha xoghayihii hore ee xiriirka soomaaliyeed ee Tennis-ka Xamza xaaji cabdi kaas oo ka sheekeeyay taariiqda xirrirkan o soo maray ka hor 12 sano e u hakadka kujiray, waxuuna tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay dib howl gelinta xiriirka.


-Ibraahim Xuseen Cali [Roombo] oo kasocdey gudiga Olombikada Soomaaliyed isla markaana ahaa gudoomiyaha guddiga doorashada ayaa madasha ka aqriyey magacyada xubnaha xaqa u leh ineey wax doortaan Intaas kadib xubnahii codeynayey oo ka kala socday iskuulada, jaamacadaha iyo degmooyinka ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay dhamman xubnahii musharixiinta ahaa.


Kadib doorashada waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha la doortay ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Tennis-ka dheer Sacad cumar geedi wwaxuuna u mahdceliyay dhammaan bahdii u idmatay qabsahadsa hogaanka xiriirkan, waxuuna dhanka akle caddeeeyay in ay dardar gelin doonaan howlha horumarinta xiriirka ayna ka bilaabi doonaan qaaybaha Aasaasiga si loo soo celiyo sumcadii uu xiriirkan ku lahaa gudaha dalka iyo dibadda.


Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay madaxa amuuraha Xiriirada ee GOS Xaaji Maxamed Coloow, waxuuna sheegay in Gos ay soo dhaweyneyso doorashada hogaanka cusub ee Xiriirka Ternnis-ka isla markaana ay kala shaqeyneyso howlaha horumarineed.


Ugu dambayn waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Waaxda maaliyadda Wasaaradda dhalinyarda iyo Isboortiga Abuu Cali Shiikh waxuusha sheegay in wasaaradda dhalinyarada ay soo dhaweyneyso doorashada isla markaana ay diyaar u tahay in dorkeeda ka qaadato sare u qaadida iyo horumarinta Xiriirka.



xiriirka soomaaliyeed ee Tennis-ka dheer oo saaxadaha sportiga ka maqnaa in kabadan 10 Sanadood ayaa hada ifafaalo wanaagsan laga muujinayaa inuu dib usoo ceshado aqoonsiyadii caalamiga ahaa maadama ay hogaamin doonaan gudoomiye Sacad cumar geedi iyo xoghaye Xamza xaaji cabdi oolabadaba ah dad Qibrad u leh xilalka loo doortay iyo guddi Fulin oo dhaman u badan badhii hore ee Tenniska.


 
W/ D: XUseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.