Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Cadaani oo mar kale loo doortay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga+Sawirro

0
Tuesday April 04, 2017 - 12:07:50 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 1356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadaani oo mar kale loo doortay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga+Sawirro

    Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shirwaynihii 7 ee xiriirka Soomaliyeed ee kubada Koleyga, kaasoo lagu dooraaya hogaanka afarta sano ee soo socta hogaamin doona Xiriirka, waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka socday Wasaaradda dhalinyarada iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shirwaynihii 7 ee xiriirka Soomaliyeed ee kubada Koleyga, kaasoo lagu dooraaya hogaanka afarta sano ee soo socta hogaamin doona Xiriirka, waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka socday Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga , Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Madaxda Xiriirada qaar ka mid ah kooxaha iyo ururuada codeynayay musharaxiinta iyo marri sharaf kale.



 

 

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Xoghayihii hore ee Xiriirka Cabdi Cabdi Cabdulle Baasaale, kaasoo ka warbixyay waxqabadki Xiriirka ee afarta sano ee lasoo dhaafay, kadib Guddiga Doorashada ayaa kooxaha iyo Ururada Xirirka ee xaqa u lahaa codeynta xubnaha musharaxiinta, waxayna kooxaha Cod gacan taag ah si aqlabiyad leh ugu codeeyeen C/laahi Nuur Maxamed Cadaani oo aysan jirin ci xilka kula tartay inuu noqdo Hoganka XSKK ee 2017-2021, waxuuna guddoomiye Kuxgeenad akoowad iyo labaad look ala doortay Shariifo Cabdulle Sabrie 1-aad Qaasim Salaad Geele 2-aad, waxaan Xohaye Guud loo doortay Abuukar Ibraahim Maxamed.



 

 

Kadib doorashda waxaa halkas ka hadlay Guddoomiyaha la doortay Cadaani waxuuna sheegay in howlaha xiriirka aysan wadi Karin guddiga fulinta ee la doortay oo ka kooban 9 xubnood, basle bahda kubadda Koleyga guud ahaan ayaan ka dalabneynaa in ay nala shaqeeyaan ayuu yiri guddoomiye Cadaani.


 

Cadaani ayaa dhanka kale sheegay in Guddiga fullinta Xiriirka ee la doortay ay yeelan doolaan kulan kaasoo lagu magacaabi doono guddi hooseyada Xiriirka, kaaliyaasha xoghayaha iyo Wakiilada uu dunida Xiriirka ku yeelan doono, waxuuna mahad celin usoo jeediyay kooxaha iyo Uruada codkooda siiyay kuna aaminay in ay afarta sanoe ee soo socta hogaamiyaan XSKK .


 

Madaxa Arimaha Xiriiriada GOS Xaaji Maxamed Axmed Coloow oo goobta ka hdlay ayaa sheeay in Doorashada ay si wanaagsan u dhacday isla markaana ay GOS soo dhaweyneyso isla markaana xiriirka kala shaqeyn doonto horumarinta kubada Koleyga.


 

Ugu dambeyn waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Waaxda maaliyadda Wasaarada dhalinayarada iyo Isboortiga Abuu Cali Shiikh, waxuuna tilmaamay in doorashada ay ahayd mid shaci ah, wasaaraduna ay diyaar u tahay in ay qaadato doorkeeda horumarineed ee Isboortiga dalka gaar aah kubadda Koleyga hogaanka cusub ee loo doortay.


 

Guddiga Fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga ayaa ka koobaan doona 9 xubnood taasoo tiro ahaan 6 xubnood ka yar xiriirkii hore , waxa ayna kala yihiin.


 

C/laahi Nuur Maxamed Cadaani Guddoomiye


 

Shariifo Cabdulle Sebriye Kuxigeen- 1-aad


 

Qaasim Salaad Geele Kuxigeen 2-aad


 

Abuukar IBraahim Maxamed Xoghaye Guud


 

Cabdulqaadir Macalin C/raxmaan Xubin


 

Maxamed Cali Hindi Xubin


 

Cali Maxamed Colaad Xubin


 

Mulki Nuur Muudeey Xubin


 

Nuur Cali Barroow Xubin


 

Waaxda Warfaafinta  GOS




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.