Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka kubadda Koleyga oo kulan looga hadlayo horumarinta kubadda ku qabtay Magaalada muqdisho +Sawirro

0
Monday May 01, 2017 - 08:57:33 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka kubadda Koleyga oo kulan looga hadlayo horumarinta kubadda ku qabtay Magaalada muqdisho +Sawirro

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga ayaa kulan looga hadlayo horumarinta kubadda Koleyga ku qabtay xafiiska uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay xubno ka tirsan Guddiga Fulinta Xirirka K/Koleyga Madaxda Naadiyada, Macalimi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga ayaa kulan looga hadlayo horumarinta kubadda Koleyga ku qabtay xafiiska uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay xubno ka tirsan Guddiga Fulinta Xirirka K/Koleyga Madaxda Naadiyada, Macalimiinta Kabtanada kooxaha, guddiga garsoorka iyo Guddiga Tababarayaasha Xiriirka Kubadda Koleyga.


 

 

Kulanka waxaa ugu horeyn ka hadlay Xoghayaha Xiriirka kubada Koleyga Abuukar IBraahim Maxamed waxuuna soo bandhigay qorshaha shirka oo ay ugu weynady qabashada ciyaara 3x3 iyo qaabka loo qaban karo tartamada, waxayna dhammaan xubnaha ku sugna goobta ay guda galeen ka doodida qorshahaas Iyagoo soo bandhigay aragtidooda ku aadan.

 

Markii uu kulanka soo dhamaaday waxa saxaxafadda la hadlay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxamed (Caddaani) , waxuuna sheegay in in dhammaan qeybaha ku sugnaa shikr ay si hufnaan kujirto uga dooday qodobada uu xiriirka soo bandhigay, taasina ay dheeri gelineyso xiriirka.

 

 

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in uu Xiriirka go’aamiyay Naadiyadana ay aqbaleen in la qabto ciyaaraha 3x3 oo ay ka qeyb geli doonaan 12 koox oo wiilal iyo 6 koox oo gabdho ah kaasoo lagu furmi doona.

 

Guddoomiye Cadaani ayaa dhanka kale sheegay in ay xiriirka sanadkan gudahiisa qaban doonan Ciyaaraha Iskuulada , kuwa Jaamaadaa iyo Kuwa degmooyinka isla markaana la jootayn doono qabashadooda si loo helo ciyaartooy tayo leh oo mustaqbal ku yeesha ciyaarah kubada Koleyga.



 Waaxda warfaafinta GOS 

 info@nocsom.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.