Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka kubadda cagta oo Soo gabagabeeyay tababar dhanka garsoorka oo ay FIFA u qabatay Soomaaliya+Sawirro

0
Sunday May 07, 2017 - 23:43:34 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka kubadda cagta oo Soo gabagabeeyay tababar dhanka garsoorka oo ay FIFA u qabatay Soomaaliya+Sawirro

    Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ayaa magaalada Muqdisho kusoo gebogabeeyay tababarka dhanka garsoorka oo ay FIFA u qabatay garsoorayaasha Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ayaa magaalada Muqdisho kusoo gebogabeeyay tababarka dhanka garsoorka oo ay FIFA u qabatay garsoorayaasha Soomaaliyeed.



Kadib tababar isugu jiray imtixaan dhanka Orodka, barashada sharciyada kucusub iyo sabdalka kuyimid sharciga garsoorka iyo tibaayooyin laga qaaday waxii ay kabarteen ayaa 24 garsoore waxay nasiib u yeesheen in ay qaataan shahaadooyin, iyagoo rajeynayaa in ay wax ka maamulaan tartanka ciyaraha da’yarta oo ay sanadkii labaad oo xiriir ah qabanayaan Xirirka kubadda cagta Soomaaliya qabanayaan kaasoo furmi doona 18 May.


Waa tababarkii labad oo nuuciisa oo ay FIFA ku abaalmariso Soomaaliya mudo lix bilood gudahood, kadib horumarkii da’yata ay sameeyeen, waxaana ka horeeyay Bishii Nobermber 2016.



" FIFA aad bay ula dhacsan tahay horumarka dhanka dhalinyrada laga sameynayo, waana sababta sanadki labaad loogu abaalmariyay koorsadan loo qabtay garsoorayaasga da’yarta.


Koorsadan waxaa loogu diyaar garoobayaa ciyaraha da’yarta oo dhawaan lagu wado in bilowdaan., inagoo og in wadamda badan oo Afrika in ays an helin xitaa hal tartan oo da'yarta.”ayuu yiri Cali Maxamed Axmed oo koorsadan bixinayay.


" Inaad tababar ka qeyb qaadato isbadal kuuma sameyneyso, basle waxa aad muhiim u ah in joogteyso waxii aad baratay garoonkana kusoo bandhigto, mid kastana oo adinka idinka mid ahna waa wakiil, waxaana laga doonayaa in u aqoontiisa u gudbiyo saaxibadiina kusugan Goboladiina kuwaa oo aan fursadan helin,” ayuu Macalin Cali yiri.


Garsoore Warsame Axmed Gaabshe oo kamid ahaa Garsoorayasha ka socday Dowlad Goboleedka Puntland kaasoo ku hadlayay Magaca Garsoorayaasha ayaa yiri,” Marka hore waxaan u mahad celinayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo sanad kasta inoo diyaariya koorsooyin nuucaan ah, marka xiga aad baan ugu faraxsanahay inaan kasoo qeyb galo tababar heerkiisu sareeyo, waxaana rajeynayaa in aan dagaan keyga kula laaban doono waxii aan bartay isla markaana joogteyn doono” waxuuna saaxbida kale kula dardaarmay in ay ka dhabeeyaan hdafkooda garsoorinmo si garsoorka Soomaaliya u gaaro heersare.


Koorsadan garsoorka oo ay FIFA ku qabatay Soomaaliyay waxaa bixiyay macalinka heerka caalami ee Dhanka Garsoorka Cali Maxamed Axmed ( Cali Saciid) waxaana caawiyay Macalin Cabdi Cabdulle Baasaale oo ah Madax Fitness-ka garsoorka kubadda cagta Soomaaliya, waana marki labaad oo ay FIFA u qabato Soomaaliya Garsoorayasha Soomaaliyeedna awood u yeeshaanin ay qabtaan koorso FIFA waxayna Horey FIFA Somaaliya ugu soo diri jirtay Macalimiin Ajaanib ah.



Waaxda Warfaafinta GOS

 Info@nocsom.com

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.