Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo qalab Isboorti u qeybisay 12 Iskuul +Sawirro

0
Thursday May 18, 2017 - 09:20:03 in Xiriirka Ciyaaraha Fudud by Nocsom Editor
  • Visits: 1847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo qalab Isboorti u qeybisay 12 Iskuul +Sawirro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ku qabtay xaflad qalab Isboorti lagu guddoonsiinayay 12 Iskool oo ka mid ah, waxaana xafladda kasoo qeyb galay Agaasimaha waaxda isboortiga wasaaradda Dhalin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ku qabtay xaflad qalab Isboorti lagu guddoonsiinayay 12 Iskool oo ka mid ah, waxaana xafladda kasoo qeyb galay Agaasimaha waaxda isboortiga wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Madaxda Guddiga Olombikada Soomaliyeed, Xiriirka Ciyaaraha Fudud, Macalimiinta qaranka ciyaaraha Fudud, Macalimiinta, Maamulka iyo Ardayda 12-ka Iskuul.







Iskuulada qalabka Isboorti la guddoonsiinayay ayaa qeyb ka ahaa 70 Iskuul oo guddiga Olombikada Qeybtiisa Horumarinta arimaha Iskuulada tartan dhanka orodka.



Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in 70 Iskuul iyo 11,191 arday ah tartan orod ah loo qabto waa howl adag oo aan sahlanayn.


" Hadafka GOS waa in la helaa ciyaaryahano tayo leh oo matala xulka qaranka, waxa ugu horeeya ee nagu soo foo lehna waa ciyaaraha da’yarta Olombikada Adduunka, iyo kuwa Alla African Games, waxaana Iskuulada ka rabaa in ay kasoo baxaan ciyaarahano tartamadaas ka qeyb gala sidii horeyba u dhacday 2015 uu Soomaaliya u matalay Cali Iidoow oo ka mid ah ahaa Ardaydii laga soo xulay Tartamadii loo qabtay Iskuulada.” Ayuu yiri Guddoomiye Tarabi.


"Qalabka aan bixinay kuma filna Iskuulada waxaana abaal marinay kaliya 12 iskuul oo ka mid ah 70 iskuul ee tartanka ka qeyb galay , awoodeena ayaa intaa la eg, basle hadafkeenu waa inaan sare u qaadnaa marba marka ka dambeysa tartamaduna ay noqdaan kuwa joogta.


" GOS waxay ku dadaali doontaa iyadoo kaashaneysa dolwadda dhisida iyo dayactirka garoomada Iskuulada, waxayna sare u qaadi doontaa aqoonta macalimiinta iskuulada ku howlan Isboortiga , si ay usoo saaraan ciyaartoyd da’yar oo mustaqbal kuyeesha qeybaha kale gedisan ee isboortiga dalka.” Ayuu sii raaciyay.


Mudane Tarabi ayaa ugu dambayn u mahd celiyay Uruurka Dugsiyada GOS, Maamulka , Macalimiinta iyo Ardayda Iskuulada oo aysan la’aantood qabsoonteen howshan Culus.


Masuuliyiinta Iskuulada iyo xiriirka Ciyaaraha Fudud ayaa dhankooda soo dhaweeyay dadaalka GOS a waxayna dhankooda ballan qaadeen in ay dadaalka halkooda kasii wadi doonaa.



Arday tartanka ka qeyb gashay oo gaarayay 11,191, tatamadii lagu kala saarayay kaalmaha hore kusoo baxay 13 Arday, waxaaana lagu wareejiyay Macalimiinta Xulka qaranka ciyaaraha Fudud iyo maamulak xiriirka ciyaaraha Fudud, waxaana halkaaas qalabka Isboorti lagu guddoonsiyay ee GOS ugu talo gashay in ay tartamda iskuulada uga qeyb qaataan.


Waaxda Warfaafinta GOS

Info@nocsom.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.