Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Wiilasha iyo Gabdhaha Heegan oo Ku guuleystay Horyaalka kubadda Koleyga 3x3 2017+Sawirro

0
Wednesday May 24, 2017 - 11:42:11 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 1418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilasha iyo Gabdhaha Heegan oo Ku guuleystay Horyaalka kubadda Koleyga 3x3 2017+Sawirro

    Wiilasha iyo Gabdhahakubada Koleyga Heegan ayaa si wada jir ah ugu guuleystay horyaalka kubadda Koleyga 3x3 201 kadib amrkii ay ka adkaadeen Wiilasha Gaadiidka iyo Gabdhaha Horseed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiilasha iyo Gabdhahakubada Koleyga Heegan ayaa si wada jir ah ugu guuleystay horyaalka kubadda Koleyga 3x3 201 kadib amrkii ay ka adkaadeen Wiilasha Gaadiidka iyo Gabdhaha Horseed.


Kulamadan oo ka dhacay garoonka Wiish waxaa usoo daawasho tagay masuuliyiin ka socotay, wasaaradda dhalinyarda iyo ISboortiga, uddiga Olombikada Soomaaliyeed, Halyeeyo hore oo kubada Koleyga Soomaay heer qaaran iyo martio sharaf kale.


  

Kulanka koowaad oo dhex maray Wiilasha Heegan iyo Gaadiidka ayay labada koox soo bandhieen ciyaar aad u xiiso badan , iyadoo da’yarta mustaqbalka kubada Koleyga Gaadiidka ay si weyn kubadda ula qeybsadeen xiddigaha waayo araga ubadan ee Heegan, waxayna Gaadiidka ku dhawaadeen in ay lagdaan Heegan, waxaase daqiiqadi u dambeeyay goolal deg deg ah ka dhaliyay, Cabdalla James, iyo Cusman Weyne, waxayna ciyaarta ku idlaatay.



 

Kulanka Labaad ayaa dhex maray Gabadhaha Heegan iyo Horseed.

 

Labada koox oo si wayn ugu xafiltama ayay Heegan waxay garoonka soo gashay in ay guuhsi u horeysay oo tartan kubadda Koleyga ka gaarto Horseed,waxayna dardar ciyaarta ku bilaabay Heegan oo hogaanka la wareegay ,balse Gabdhaha Horseed ayaa kazoo kabtay hogaanka dib ula wareegay.

 

Heegan ayaa soo barbareysay waxayna 10 daqiiqo ee ciyaarta 3x3 loogu talo galay ay kusoo idlaatay .


 

Kulanka oo waqti dheeri ah lagu daray waxaa 12-10 ay guusha ku raacday Gabdha Heegan.


 

Marki ay ciytaarta soo idlaatay waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Koleyag Cabdullaahi Nur Maxamed Cadaani, waxuuna u mahd celiyay dhammaan kooxhaa 18 ee Wiilasha iyo Gabdhaha isugu jira ee tartanka ka qeyb galay, Garsoorayaasha iyo taagerayaasha tartanka daawanayay tartanka, waxuuna inta ku daray in tartanka uu noqon doono mid sanadkan xilligan oo kale la ciyaaro.


 

Ibraahin Xuseen Cali Roombe oo Xubin GOS katirsan , ayaa soo dhaweeyay dadaalka xiriirka uu ku ballaarinayo tartamada waxuuna sheegay qabashadan taramada badan ay kasoo baxayaan ciyaartoy tayo leh oo horumar leh.


 

Gebagbadii waxaa halkaas lagu bixiyay koobabka iyo biladihi kaalmaha labaad ee kooxaha guuleystay.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.